Saturday, October 25, 2025
HomeWararGudahaAskar ku eedeysan dhac dadweyne oo lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho

Askar ku eedeysan dhac dadweyne oo lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho

Ciidanka Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhigga Garasbaaley ee magaalada Muqdisho ayaa ku gacanta kusoo dhigay rag ku eedeysan iney dhac u geysanayeen dad shacabka ah.

Ragaani oo ah laba nin oo ka tirsan askarta ciidanka dowladda ayaa la qabtay iyagoo ku guda jiray fal dhac ah oo ka geeynayeen waaxda Siinka dheer ee degmada Garasbaaley ee magaalada Muqdisho.

War kooban oo kasoo baxay Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ragaan ku eedeysan dhaca dadweyne loo gudbin doono maxkamadaha ku shaqada leh kiiskooda.

Labada askari ee lagu soo qabtay falka dhaca ah ayaa lagu kala magacaaba Dable Mustaf Niisaam Maxamed iyo Dable Anas Maxamed Muumin, kuwaas oo ku labisna dareeska ciidamada dowladda.

Taliska ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho iney la shaqeeyaan ciidamada amniga, islamarkaana ay soo gudbiyaan wax kasta oo ku saabsan falalka amni darrada ah, si loo sugo amniga guud ee magaalada  caasimadda ah ee Muqdisho.

Soo qabashada ragaan dhaca dadweyne ku eedeysan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ay si weyn u kordhiyeen howlgalada ay uga hortagayaan dhibaatooyinka loo geysto dadka ku nool qeybaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe