Saturday, January 31, 2026
HomeWararGudahaAbiy & Cagjar oo maanta xarrig jaraya Mashruuc laga hirgeliyay Duleedka Jigjiga

Abiy & Cagjar oo maanta xarrig jaraya Mashruuc laga hirgeliyay Duleedka Jigjiga

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida, Mustafa Muxumed Cagjar ayaa maanta si wadajir ah u xarrig jaraya Mashruuc dhaqaale badan ku baxay oo laga hirgeliyay duleedka Magaalada Jigjiga gaar ahaan Deegaanka Shabeeley.

Mashruucaan ayaa ka kooban goobo dalxiis iyo meelo kale oo u furan maalgelinta qof weliba oo doonaya in uu dhaqaale gashto, lacagta ku baxday mashruuca ayaa la sheegay in ay intiisa badan ay bixisay Dowladda Dhexe ee Itoobiya.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa lagu martiqaaday ka qaybgalka Xafladda Daahfurka Mashruucaan inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin magacyadooda, derajadooda iyo dalalka ay sida gaarka ah uga kala imaanayaan wufuuddaas.

Maamulka Madaxweyne Mustafa Muxumed Cagjar ayaa sheegay in ay xoogga saareen sidii ay u hirgelin lahaayeen mashaariic kala duwan oo waxtar u leh Bulshada Dowlad-Deegaanka Soomaalida si ay u helaan fursado maalgashi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe