Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirid Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee Dastuurka Puntland
Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya Guddoonka iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.
Markuu tixgeliyey: Baahida dib-u-habeyn ee ka jirta Guddoonka iyo Xafiiska Xeer – ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa la kala diray Dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland.
2. Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus waxa gaaraya Maxkamadaha Racfaanka ee Dowladda Puntland, inta laga soo dhisayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus
3. Saraakiishii hore ee Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland waxay dib ugu laabanayaan talisyadoodii.
4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Privacy Policy
This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

