Friday, November 13, 2026
HomeWararGudahaSacuudiga oo Soomaaliya u qoondeeyay 11,500 oo boos oo Xajka 2027 ah

Sacuudiga oo Soomaaliya u qoondeeyay 11,500 oo boos oo Xajka 2027 ah

Dowladda Sacuudiga ayaa Soomaaliya u qoondeysay 11,500 oo boos oo loogu talagalay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka sannadka 2027, kaddib heshiis ay labada dowladood ku kala saxiixdeen magaalada Jeddah.

Heshiiska waxaa kala saxiixday Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo Wasiirka Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, Dr. Tawfiiq bin Fawzaan Al-Rabiah.

Qoondadan ayaa ah tirada rasmiga ah ee xujeyda Soomaaliyeed loo oggolaaday inay ka qeyb galaan Xajka sannadka 1448-da Hijriga, oo ku beegan 2027-ka.

Heshiiska ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga hore ee Xajka, iyadoo labada dowladood ay ku heshiiyeen nidaaminta tirada xujeyda, habraacyada safarka iyo adeegyada loo diyaarinayo dadka gudanaya waajibaadka Xajka.

Waxaa la filayaa in Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ay bilowdo diyaarinta diiwaangelinta xujeyda, habka xulashada iyo qabanqaabada safarka.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo adeegyada hoyga, gaadiidka iyo caafimaadka si xujeyda Soomaaliyeed ay u helaan adeegyo wanaagsan inta ay ku sugan yihiin dalka Sacuudiga.

Qoondada 11,500 oo qof ayaa Soomaaliya u xaqiijinaysa ka qeybgalka Xajka 2027, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay hadda sugayaan faahfaahinta diiwaangelinta iyo shuruudaha safarka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe