Tuesday, November 10, 2026
HomeWararGudahaWeerar lagu dilay toddobo qof oo isugu jira injineerro iyo askar booliis...

Weerar lagu dilay toddobo qof oo isugu jira injineerro iyo askar booliis ah oo ka dhacay Mandheera

Weerar jidgal ah oo lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay toddobo qof oo isugu jira injineerro dhisayay waddo iyo askar ka tirsan Booliiska Kenya, kaddib markii koox hubeysan ay weerartay gaari ay la socdeen shaqaalahaas.

Weerarka ayaa ka dhacay waddada isku xirta deegaannada Carabiya iyo Lafeey ee Ismaamulka Mandheera, xilli shaqaalaha iyo ciidamada ay ku sii jeedeen goob uu ka socday dhismaha waddo.

Sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska Kenya, ragga hubeysan ayaa rasaas xooggan ku furay gaariga, waxaana goobta ku dhintay shan injineer oo ka shaqeynayay mashruuca waddada iyo labo askari oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Kaydka Kenya (Kenya Police Reservists).

Darawalkii gaariga ayaa dhaawac culus soo gaaray, waxaana loola cararay xarun caafimaad si loogu dabiibo.

Kooxdii weerarka fulisay ayaa la sheegay inay goobta isaga baxsatay, iyadoo ciidamada ammaanka Kenya ay bilaabeen baadi-goob lagu raadinayo kooxihii ka dambeeyay weerarka.

Maydadka dadka dhintay ayaa loo qaaday xarun baaritaan oo Booliiska ah, halkaas oo lagu sameynayo baaritaanno la xiriira qaabka weerarka loo fuliyay iyo hubkii loo adeegsaday. Baaritaanka waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya ciidamada gaarka ah ee Kenya u qaabilsan la dagaallanka argagixisada.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli deegaannada ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ay muddooyinkii dambe wajahaan walaac amni oo la xiriira weerarro lagu beegsado ciidamada ammaanka, shaqaalaha dowladda iyo dadka rayidka ah.

Dhismaha waddooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada xuduudda ayaa sidoo kale wajahaya caqabado amni, iyadoo weerarrada noocan ah ay halis gelin karaan shaqaalaha iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojinayso howlgallada amni ee ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada xuduudda la leh Soomaaliya. Hase yeeshee, weerarkan cusub ayaa mar kale muujinaya caqabadaha amni ee ka jira deegaannadaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe