Tuesday, November 10, 2026
HomeWararGudahaSarkaal hore oo NISA ka tirsanaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab ku...

Sarkaal hore oo NISA ka tirsanaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray, walaacna laga muujiyay xogta amni ee uu watay

Warar hordhac ah oo laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in sarkaal hore uga tirsanaa Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kana tirsanaa hoggaanka Ciidanka Gaarka ah ee Duufaan, uu si qarsoodi ah uga baxay magaalada Muqdisho, kuna biiray kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Luqmaan, ayaa la sheegay inuu horay u soo noqday Abaanduulaha Ururka Duufaan, sidoo kalena uu ahaa taliye ku xigeen ka tirsan ciidanka gaarka ah ee NISA.

Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah, sarkaalkan ayaa markii hore laga qaaday xilkii uu hayay, kaddib markii ay soo baxeen tuhunno la xiriira arrimaha amniga. Waxaa la sheegay inuu Muqdisho ka baxay isaga oo sii maray degmada Dayniile iyo deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddibna uu gaaray gobolka Jubbada Dhexe oo ay saameyn xooggan ku leedahay Al-Shabaab.

Cabsi laga qabo in Al-Shabaab hesho xog sirdoon oo xasaasi ah,Arrinta ugu weyn ee walaaca dhalisay ayaa ah wararka sheegaya in sarkaalku uu watay qalab iyo dukumentiyo la xiriira howlaha ciidanka Duufaan.

Warbixinnada qaarkood waxay xusayaan kombiyuutarro, qalabka isgaarsiinta iyo faylal ay ku jiri karto xog ku saabsan howlaha cutubka.

Haddii xogtaasi sax noqoto, waxaa soo wajihi karta NISA caqabad amni oo culus, gaar ahaan haddii agabka la sheegay inuu baxay ay ku jiraan xog ku saabsan saraakiisha, howlgalada iyo dadka xogta siiya hay’adda.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in xogaha noocaas ah ay khatar geliyaan dadka dowladda kala shaqeeya la socodka dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Ciidanka Duufaan ayaa ka mid ah cutubyada gaarka ah ee la xiriira NISA, waxaana warbixinnada dhacdadan laga qoray lagu sheegay in cutubkani uu tababar ka helay dalka Turkiga.

Tababarka iyo qalabka ay helaan ciidamada gaarka ah ayaa muhiim u ah awoodda ay u leeyihiin fulinta howlaha amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Sidaas darteed, haddii ay dhab noqoto in sarkaal xil sare ka soo qabtay cutubkaasi uu ku biiray Al-Shabaab, waxaa muhiim noqonaya in la baaro sida ay u dhacday arrintaasi iyo in xogtii uu hore u hayay ay weli halis ku jirto.

Sidee ayuu sarkaal uga bixi karaa Muqdisho isaga oo hore uga tirsanaa sirdoonka?Dhacdadan waxay dhalisay su’aalo ku saabsan habraacyada amniga ee magaalada Muqdisho iyo nidaamka lagu ilaaliyo saraakiisha hore uga tirsanaan jiray hay’adaha sirdoonka.

Saameynta ay arrintani ku yeelan karto dowladda Xasan Sheekh,Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay wajahaysa caqabado siyaasadeed iyo amni, iyadoo Al-Shabaab ay weli ka dagaallanto qaybo ka mid ah dalka, isla markaana ay weerarro ka fuliso magaalooyinka waaweyn.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe