Dowladda Uganda ayaa Soomaaliya u dirtay cutub cusub oo ka tirsan ciidamadeeda milateriga, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaddib markii ay soo dhammaysteen tababar loogu diyaarinayay waajibaadka amni ee dalka.
Ciidamadan ayaa xaflad sagootin ah loogu sameeyay xarunta Tababarka Hawlgallada Taageerada Nabadda ee Caalamiga ah (IPSO-TC), oo ku taalla deegaanka Singo ee degmada Nakaseke, dalka Uganda.
Taliyaha ku-xigeenka Ciidamada Dhulka Uganda, Maj Gen Felix Busizoori, oo ka hadlay munaasabadda ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa milateri, wada-shaqeynta iyo isku-duubnida inta ay ku guda jiraan howlgalka Soomaaliya.
Busizoori ayaa sheegay in wadajirka iyo iskaashigu ay muhiim u yihiin guusha howlgalka, isagoo xusay in ciidamada ay tahay inay si kooxeed u gutaan waajibaadkooda.
Sidoo kale, ciidamada ayaa lagu booriyay inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka Soomaaliyeed, dhowraan xuquuqda dadka rayidka ah, isla markaana ka fogaadaan isticmaalka aan loo oggolaan ee baraha bulshada inta ay ku jiraan howlgalka.
Taliyaha xarunta tababarka, Col Moses Nabaasa, ayaa isaguna ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan waddaniyadda, anshaxa iyo qiyamka ciidamada Uganda.
Waxa uu sheegay in ciidamada ay tababarka ku qaateen wadajir, sidaas darteedna looga baahan yahay inay howlgalka Soomaaliya ku muujiyaan iskaashi iyo isku-duubni.
Dhinaca kale, Uganda ayaa Soomaaliya ka saartay ciidamo soo dhammaystay muddadii ay ka shaqeynayeen howlgalka, kuwaas oo lagu beddelay cutubkan cusub ee tababarka loo diyaariyay.
Uganda ayaa ka mid ah dalalka ciidamadoodu ay qeybta weyn ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada Uganda ay muddo dheer ka qeyb qaadanayeen howlgalada amniga iyo taageerada ciidamada dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka Al-Shabaab.
Isbeddelka ciidamada ayaa qeyb ka ah wareejinta iyo beddelka cutubyada milateriga ee dalalka ka qeyb qaata AUSSOM, si loo sii wado howlaha amni ee Soomaaliya.

