Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, inkastoo dhammaadka bishan Oktoobar uu soo afjarmi doono howlgalka ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).
Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in 31-ka Oktoobar 2026 ay soo dhammaan doonto marxaladdii kala-guurka ee howlgalka, taas oo socotay muddo laba sano ah, iyadoo la raacayo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Dujarric ayaa xusay in go’aanka lagu soo afjarayo howlgalka uu waafaqsan yahay codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo khariidadda kala-guurka ee ay si wadajir ah u dejiyeen dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Sida uu sheegay afhayeenku, waajibaadkii howlgalka ayaa si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyay hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada kale ee Qaramada Midoobay, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo lahaanshaha qaran ee geeddi-socodka nabad-dhisidda iyo dowlad-dhiska.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada nabadda iyo amniga tobannaankii sano ee la soo dhaafay, isaga oo sidoo kale ammaanay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku wajahaan caqabadaha dalka ka jira.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya iyada oo adeegsanaysa hay’adaheeda kala duwan, isla markaana la shaqaynaysa dowladda federaalka, Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah.
Taageeradaasi ayaa diiradda saari doonta xoojinta nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara.
Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo ilaaliyo horumarka la gaaray, loona dardargeliyo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale muujisay inay aqoonsan tahay caqabadaha siyaasadeed, amni, bani’aadannimo iyo horumarineed ee weli ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan taageero iyo iskaashi joogto ah.
Ugu dambayn, Xoghayaha Guud ayaa mahadcelin u jeediyay wakiilladii gaarka ahaa iyo shaqaalihii Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ahaa ee ka soo shaqeeyay howlgalka iyo kuwii ka horreeyay, isaga oo si gaar ah u xusay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee naftooda ku waayay dadaallada nabadda ee Soomaaliya.
Wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay taageeridda shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay hoggaaminayaan Soomaalidu ee lagu dhisayo mustaqbal nabdoon, xasilloon oo barwaaqo leh.

