Hoggaamiyeyaasha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda kulan ku yeeshaan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, kaas oo looga arrinsan doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka federaalka.
Kulanka ayaa la filayaa inuu diiradda saaro jadwalka doorashooyinka heer federaal ee uu dhawaan ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo qeexaya waqtiyada loo qorsheeyay doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay ka tashadaan mowqifka ay ka qaadanayaan qorshaha doorashooyinka ee dowladda Federaalka. Dhinacyadan ayaa horay uga soo horjeestay hannaanka ay dowladdu waddo, iyagoo ku doodaya inaan go’aannada doorashooyinka lagu saleeyn wadatashi iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Shirka Nairobi ayaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa ajendayaal siyaasadeed oo ay dhinacyadu hore u diyaariyeen, iyadoo la filayo inay isku dayaan inay ka yeeshaan mowqif mideysan arrimaha doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Waxaa intaas dheer in xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay kulamo la yeelan doonaan wakiillada beesha caalamka, si ay ugala hadlaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo suurtagalnimada in xal wada-hadal ku dhisan laga gaaro khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka, mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.
Khilaafka siyaasadeed ayaa sii xoogeysanaya iyadoo mucaaradku ay dowladda ku eedeynayaan inaysan wadatashi ku filan kala sameyn go’aannada waaweyn ee dalka. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dhaliilay habka ay dowladda u maareyneyso arrimaha siyaasadda, isaga oo sheegay in talada dalka aan lagu koobi karin aragtida hal dhinac.
Dhankiisa, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii beeniyay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka. Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan jirin cid ay dowladdu dooneyso inay dagaal ku qaaddo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isla markaana albaabka wada-xaajoodku u furan yahay dhinacyada ay kala aragti duwanaanshuhu ka dhexeeyo.
Kulanka la filayo inuu ka qabsoomo Nairobi ayaa imanaya xilli uu weli taagan yahay muranka ku saabsan hannaanka doorashooyinka federaalka, iyadoo aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo ay si wadajir ah ugu wada qanacsan yihiin dowladda Federaalka, mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.
Natiijada kulanka iyo go’aannada ay dhinacyadu ka gaaraan arrimaha doorashooyinka ayaa la filayaa inay qayb ka noqdaan dadaallada siyaasadeed ee lagu wajahayo khilaafka taagan. Si kastaba ha ahaatee, mowqifyada kama dambaysta ah ee dhinacyadu qaadan doonaan iyo tallaabooyinka xigi doona kulanka ayaan weli si rasmi ah loo shaacin.

