Magaalada Muqdisho waxa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo cabsi amni oo la xiriirta xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.
Wararka kala duwana ayaa sheegaya in sarkaal lagu magacaabo Axmed Beeryare, oo lagu tilmaamay inuu ka tirsan yahay Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, lagu eedeeyay inuu aqbalay hoggaaminta howlgal la sheegay in lagu bartilmaameedsanayo guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Eedeymahan ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac iyo hadal-hayn la xiriirta amniga siyaasiyiinta mucaaradka, dhaqdhaqaaqa ciidamada ee qaybo ka mid ah caasimadda iyo hadallo ay dhinacyada siyaasadeed ee kala duwan is dhaafsanayaan.
Sida ay sheegayaan xogaha la helayo , Axmed Beeryare ayaa lagu tilmaamay sarkaal xiriir dhow la leh Mahad Salaad, waxaana la sheegay inuu aqbalay hoggaaminta howlgal ay saraakiil kale ka gaabsadeen.
Dhanka kale, Jeneraal Maxamed Maxamuud Koronto, oo hore u soo noqday taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa si adag uga hadlay hadal hore oo la sheegay inuu ka soo baxay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaas oo la xiriiray eedeymo loo jeediyay ilaaladii Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Jeneraal Koronto ayaa hadalkaas ku dhaliilay qaabka loo soo bandhigay, isaga oo yiri:“Hadalkii NISA ee xalay waxaa uga fiicneyd inay dhahaan Sheekh Shariif isaga ayaa gurigiisa dhexdiisa isku xabadeeyay, waana baaraynaa sidii Jeneraal Shub.”
Hadalka Jeneraalka ayaa muujinaya sida ay u kala duwan yihiin aragtiyada laga qabo dhacdooyinka amni ee la xiriira siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaabka ay hay’adaha amnigu uga hadlaan eedeymaha la soo jeediyo.
Jeneraal Koronto ayaa sidoo kale lagu yaqaannaa inuu ka mid ahaa ciidamadii Badbaado Qaran ee la dagaallamay dowladdii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Wararka laga faafiyay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo hubeysan la geeyay qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, iyadoo la soo sheegay in dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka lagu sameeyay xakameyn meelo gaar ah.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inay walaac ka muujiyeen dhaqdhaqaaqa ciidamada iyo xiritaanka ama xannibaadaha laga soo sheegay waddooyin iyo luuqyo ka tirsan magaalada.
Waxaa sidoo kale la faafiyay warar ku saabsan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka baxsan goobaha hore ee dagaalka, kuwaas oo lagu tilmaamay inay qeyb ka yihiin xaaladda amni ee caasimadda. Hase yeeshee, tirada ciidamada, sababta loo soo wareejiyay iyo halka rasmiga ah ee la dejiyay si madax-bannaan looma xaqiijin.
Guryaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Khayre ayaa lagu xusay wararka ku saabsan cabashada mucaaradka iyo walaaca laga qabo amniga siyaasiyiinta hore ee dalka.
Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Mungaab, ayaa laga soo xigtay hadal uu ku yiri:
“Kuwa dib-u-socodka ah ee guryaha jiifa, haddii ay amniga Muqdisho far usoo dhaqaajiyaan, laba far baa loo soo dhaqaajinayaa.”
Hadalkaas ayaa loo fasiray digniin ku wajahan siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo dood ku saabsan amniga caasimadda.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowladda waxaa muhiim u ah inay khilaafaadkooda ku maareeyaan hannaan sharci iyo wada-hadal, iyadoo la dhowrayo badbaadada dadka rayidka ah iyo amniga caasimadda.

