Wednesday, October 7, 2026
HomeWararGudahaGuddoomiyaha Doolow oo ka hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda Gedo

Guddoomiyaha Doolow oo ka hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda Gedo

Guddoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafeey), ayaa maanta kormeer ku tegay ciidamada amniga degmada iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, isagoo ka hadlay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladda Doolow iyo guud ahaan Gobolka Gedo ay u baahan tahay wada-shaqeyn iyo taxaddar, xilli gobolka ay ka jiraan khilaafaadyo siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda.

Maxamed Xuseen Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in inta laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo awood buuxda u leh inay la wareegto arrimaha dalka, ay maamulkiisu tixgelin doonaan iskaashiga iyo xiriirka ay la leeyihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka.

Wuxuu ciidamada Itoobiya ku ammaanay wada-shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada deegaanka, isagoo ciidamada ammaanka ugu baaqay inay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan xiriirka wanaagsan ee labada ciidan.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ciidamada Itoobiya ay muddo dheer ku sugnaayeen Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xuduudka ah, isla markaana uu sheegay in joogitaankooda uu la xiriiray arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Hadalka Guddoomiyaha Doolow ayaa kusoo beegmaya xilli Gobolka Gedo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni, iyadoo deegaano ka tirsan gobolka ay ku sugan yihiin ciidamo kala duwan oo ay ku jiraan ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Xaaladda Gedo ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid xasaasi ah, waxaana dhinacyada siyaasadda iyo maamulka deegaanka ay isku hayaan arrimo la xiriira maamulka, amniga iyo cidda awoodda ku leh gobolka. :::

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe