Tuesday, October 6, 2026
HomeWararGudahaMaxkamadda Hargeysa oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay qoraa Aadan...

Maxkamadda Hargeysa oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay qoraa Aadan Sahan

Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa maanta saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay qoraa Aadan Sahan, oo muddooyinkii u dambeeyay ku xirnaa magaalada Hargeysa, iyadoo loo haysto inuu ka hadlay arrimo loo fasiray inay yihiin gaf diimeed.

Aadan Sahan ayaa dacwaddiisu la xiriirtay waraysi uu uu kaga hadlayay doorka haweenka, isbeddelka bulshada iyo saameynta ay teknoolojiyaddu ku yeelatay hab-nololeedka bulshada.

Intii uu socday waraysiga, Aadan ayaa aragtidiisa ka dhiibtay xaaladda haweenka iyo amniga guryaha, isagoo sheegay in xilligan guryuhu ay haweenka uga khatar badan yihiin suuqyada, taas oo uu ku sababeeyay isbeddellada ay teknoolojiyadda iyo baraha bulshada ku sameeyeen bulshada.

Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in gabdhaha lagu dhiirrigeliyo inay bannaanka u soo baxaan, isagoo dooddiisa ku saleeyay isbeddelka xaaladda bulshada iyo duruufaha maanta jira.

Qodob kale oo ka mid ahaa hadalladii uu jeediyay ayaa la xiriiray aayadda Qur’aanka ee ka hadlaysa joogitaanka haweenka guryaha. Aadan ayaa sheegay in fahamka arrintaasi loo baahan yahay in lagu eego xaaladda iyo isbeddellada bulshada maanta.

Arrimahaas ayaa markii dambe sabab u noqday in loo soo xiro, iyadoo lagu e sugnaa dhegaysiga dacwadda ayaa sheegay in maxkamaddu ay go’aanka ku dhawaaqday kadib markii la sooedeeyay inuu ku gafay diinta.

Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa maanta dhegaysatay dacwadda, waxaana isla maalintaas laga soo saaray xukunka saddexda sano ah.

Dad ku sugnaa dhegaysiga dacwadda ayaa sheegay in maxkamaddu ay go’aanka ku dhawaaqday kadib markii la soo bandhigay dhinacyada dacwadda.

Si kastaba, ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo dhamaystiran oo maxkamaddu si cadintan ayaa dhalisay su’aalo la xiriira habka dacwadda loo maray iyo caddaymaha lagu sale uga bixisay qodobada sharciga ah ee ay xukunka ku salaysay iyo sababta loogu xukumay saddex sano oo xabsi ah.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo la xiriira habka dacwadda loo maray iyo caddaymaha lagu saleeyay xukunka.

Aabbaha Aadan Sahan oo warbaahinta la hadlay ayaa si adag uga horyimid xukunka, isagoo sheegay in go’aanka maxkamadda horay loo sii diyaariyay.

Wuxuu ku dooday in aan si buuxda loo dhageysan dhinaca wiilkiisa, isla markaana aan maxkamadda lagu akhriyin dukumentiyo uu sheegay inay muhiim u ahaayeen dacwadda.

Aabbuhu wuxuu sheegay in Aadan uu tawbad keenay, isla markaana laga qoray waraaq caddaynaysa arrintaas. Waxa kale oo uu sheegay in booliisku sameeyeen baaritaan la xiriira kiiska, balse natiijadii baaritaankaimahaas ayaa muhiim u ahaa in maxkamaddu tixgeliso dhammaan dhinacyada kiiska ka hor inta aan la soo saarin xukunka in gudaha hay’adaha Somaliland ay jireen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida kiiska loo wajaho iyo waraaqda tawbada aan maxkamadda si buuxda looga akhriyin.

Sida uu aabbuhu sheegay, arrimahaas ayaa muhiim u ahaa in maxkamaddu tixgeliso dhammaan dhinacyada kiiska ka hor inta aan la soo saarin xukunka.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo horey u codsatay sii deyntiisa
Kiiska Aadan Sahan ayaa sidoo kale horey u gaaray Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Wasaaradda ayaa la sheegay inay soo saartay warqad ay ku codsanayso in Aadan Sahan dib loogu soo celiyo xorriyaddiisa.

Tallaabada wasaaradda ayaa ka dhigan in gudaha hay’adaha Somaliland ay jireen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan sida kiiska loo wajaho iyo tallaabada ku habboon ee laga qaadi lahaa qoraaga.

Qareenno ka mid ah kuwa caanka ah ee Somaliland ayaa sidoo kale dhaliil ka muujiyay xukunka maxkamadda.

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa ka mid ah qareennada arrinta ka hadlay, iyadoo qareennadu ay su’aal geliyeen habka dacwadda loo maray iyo in eedaysanaha loo helay fursad buuxda oo uu isku difageysiga labada dhinac iyo in dhammaan dukumentiyada iyo caddaymaha khuseeya dacwadda si jeediyay waraysiga ayaa taabanayay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan diinta, dhaqanka, doorka haweenka iyo isbisa loo baahan yahay in lagu qiimeeyo macnaha guud ee waraysiga iyo inuu xaq u leeyahay inuu soo bandhigo aragtidiasaasi ah oo u baahan taxaddar gaar ah, gaar ahaan marka hadalladaas loo arko inay ka horaaco.

Doodda qareennada ayaa inta badan ku saabsan habraaca caddaaladda, dhageysiga labada dhinac iyo in dhammaan dukumentiyada iyo caddaymaha khuseeya dacwadda si buuxda loo horgeeyo maxkamadda.

Kiiska Aadan Sahan wuxuu sidoo kale dib u soo celiyay dood ka jirta bulshada dhexdeeda oo ku saabsan xadka u dhexeeya aragtida qofka, fasiraadda arrimaha diinta iyo waxa loo aqoonsan karo gef diimeed.

Hadallada uu Aadan ka jeediyay waraysiga ayaa taabanayay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan diinta, dhaqanka, doorka haweenka iyo isbeddellada ay teknoolojiyaddu ku keentay bulshada.

Dadka taageersan Aadan waxay ku doodaan in hadalladiisa loo baahan yahay in lagu qiimeeyo macnaha guud ee waraysiga iyo inuu xaq u leeyahay inuu soo bandhigo aragtidiisa.

Dhinaca kale, dadka dhaliilaya hadalladiisa waxay ku doodaan in arrimaha diinta iyo fasiraadda aayadaha Qur’aanka ay yihiin arrimo xasaasi ah oo u baahan taxaddar gaar ah, gaar ahaan marka hadalladaas loo arko inay ka hor imaanayaan fahamka diimeed ee bulshada.
Xukunka saddexda sano ah ayaa keenaya dhowr su’aalood oo weli jawaab rasmi ah u baahan.

Waxaa ka mid ah qodobka saxda ah ee sharciga ah ee maxkamaddu xukunka ku salaysay, caddaymaha ay maxkamaddu tixgelisay, sababta xukunka loo dhigay saddex sano iyo haddii Aadan Sahan uu haysto waddo sharci caddeeyo sida maxkamaddu u tixgelisay waraaqda tawbada iyo dukumentiyada kale ee uu a hadda noqday mid si weyn looga hadal hayo Somaliland, gaar ahaan marka la isku daro arrimaha xorriy ah oo uu racfaan kaga qaadan karo xukunka.

Sidoo kale waxaa muhiim ah in la caddeeyo sida maxkamaddu u tixgelisay waraaqda tawbada iyo dukumentiyada kale ee uu aabbuhu sheegay in aan si buuxda loo horgeyn maxkamadda.

Ilaa iyo inta faahfaahinta rasmiga ah ee xukunka la helayo, waxaa muhiim ah in la kala saaro waxa maxkamaddu si rasmi ah u go’aamisay, eedeymaha loo jeediyay Aadan Sahan iyo sheegashooyinka qoyska iyo qareennada.

Kiiskan ayaa hadda noqday mid si weyn looga hadal hayo Somaliland, gaar ahaan marka la isku daro arrimaha xorriyadda hadalka, fasiraadda diinta, doorka haweenka iyo habraaca caddaaladda.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe