Thursday, October 1, 2026
HomeWararGudahaMaxamed Mursal oo gaaray Baydhabo xilli ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed

Maxamed Mursal oo gaaray Baydhabo xilli ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, xilli magaalada iyo guud ahaan Koonfur Galbeed ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah.

Safarka wafdiga ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed iyo in la xoojiyo wada-hadalka u dhexeeya dhinacyada kala duwan ee siyaasadda Koonfur Galbeed.

Maxamed Mursal iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baydhabo u tegay kulamo iyo wadatashi siyaasadeed, iyadoo la filayo in magaalada ay dhawaan ka furanto gogol dib-u-heshiisiin ah oo ay ka qeyb qaataan siyaasiyiin, madaxda maamulka iyo dhinacyo kale oo daneeya xaaladda Koonfur Galbeed.

Wafdiga ayaa Aqalka Madaxtooyada Baydhabo waxaa ku qaabilay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed, dowlad-dhiska, wada-tashiga siyaasadeed iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wadajirka bulshada.

Intii uu socday kulanka ayaa sidoo kale la isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo tan Koonfur Galbeed, iyadoo muhiimad gaar ah la siiyay sidii loo abuuri lahaa jawi u horseeda xasillooni siyaasadeed iyo amni.

Dhinacyada kulanka ka qeyb galay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, is-qaddarin iyo heshiis siyaasadeed, halkii ay xiisaduhu u gudbi lahaayeen xaalado kale oo saameyn ku yeelan kara shacabka iyo amniga magaalada.

Booqashada wafdiga Maxamed Mursal ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Baydhabo ay ka jiraan kala aragti duwanaansho siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyo kala duwan, iyadoo arrimaha maamulka, dowlad-dhiska iyo jihada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay yihiin qodobbo si weyn looga doodayo.

Gogosha dib-u-heshiisiinta ee la filayo inay Baydhabo ka furanto ayaa haddii ay qabsoonto noqon karta madal ay dhinacyada siyaasadeed isku dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan khilaafaadka jira iyo sidii loo heli lahaa xal siyaasadeed oo ay dhinacyadu wada aqbalaan.

Wafdiga uu hoggaaminayo Maxamed Mursal ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo kale la yeesho siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo ujeeddadu tahay in la dhageysto aragtiyada dhinacyada kala duwan iyo in la dhiirrigeliyo wada-tashi siyaasadeed.

Xaaladda Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe si gaar ah loo hadal hayay, iyadoo xiisadaha siyaasadeed ay mararka qaar saameeyeen amniga iyo dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee magaalada.

Dadka ku nool Baydhabo ayaa si dhow ula socda dadaallada lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda, iyadoo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay loo arko arrin muhiim u ah xasilloonida magaalada iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Kulanka dhexmaray Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Mursal ayaa ugu dambeyn diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-hadalka, loo ilaalin lahaa midnimada bulshada, loona abuuri lahaa jawi ku habboon nabad iyo dowlad-dhis loo dhan yahay.

Imaatinka wafdigan iyo qorshaha la xiriira gogosha dib-u-heshiisiinta ayaa hadda indhaha lagu hayaa, iyadoo la sugayo tallaabooyinka xiga iyo cidda ka qeyb geli doonta wada-hadallada la filayo in Baydhabo lagu qabto.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe