Sunday, September 20, 2026
HomeWararGudahaBannaanbax ka dhan ah Doorashada Hirshabeelle oo Jawiil ka socda

Bannaanbax ka dhan ah Doorashada Hirshabeelle oo Jawiil ka socda

Waxaa degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan ka socda bannaanbax looga soo horjeedo hannaanka doorashada Hirshabeelle, xilli uu gobolka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo la xiriira doorashada maamulka.

Khilaafka ayaa si gaar ah uga dhex taagan siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal dhaqameed reer Hiiraan ah iyo dhinacyada taageersan hannaanka doorashada ee hadda socda.

Hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta Xawaadle ayaa maalmihii lasoo dhaafay dalbaday in la hakiyo geeddi-socodka doorashada, ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed iyo wadatashi ballaaran oo ku saabsan qaabka loo dhisayo maamulka Hirshabeelle.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Xisbiga Caddaaladda iyo Midnimada Soomaaliyeed (JSP) uu taageeray musharraxnimada Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, doorashada maamulka ee soo socota.

Dhanka kale, waxaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo la sheegay inay muujinayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda magaalada Beledweyne. Qaar ka mid ah wararka lagu faafiyay baraha bulshada ayaa sheegaya in ciidamo lala xiriirinayo beesha Xawaadle ay magaalada soo galeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamo laga soo abaabulay qaar ka mid ah jifooyinka Xawaadle ay u socdaan guriga Ugaaska Guud ee beesha.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa horey ugu yimid magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku kulmeen odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo waxgarad ka hadlay xaaladda gobolka Hiiraan iyo doorashada Hirshabeelle.

Hoggaanka Xawaadle ayaa ku doodaya in doorashada maamulka aan loo sii gudbin karin iyadoo aan la helin heshiis siyaasadeed iyo wadatashi ay qeyb ka yihiin dhinacyada ay khuseyso.

Dhanka kale, waxaa jira siyaasiyiin Xawaadle ah oo taageersan hannaanka doorashada iyo hoggaanka Cali Guudlaawe, taasoo muujineysa in aragtida siyaasadeed ee beesha aysan ahayn mid isku mowqif ah.

Khilaafka ka taagan Hiiraan ayaa hadda ku soo aadaya xilli loo diyaar garoobayo doorashada Hirshabeelle. Haddii aan dhinacyada siyaasadeed iyo kuwa dhaqanka ay heshiis ka gaarin arrimaha doorashada, waxaa suuragal ah in muranka siyaasadeed uu sii dheeraado.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe