Saturday, September 19, 2026
HomeWararGudahaSomaliland oo hubka ka mamnuucday Awdal iyo Selel

Somaliland oo hubka ka mamnuucday Awdal iyo Selel

Somaliland ayaa soo saartay awaamiir cusub oo lagu adkaynayo amniga gobollada Awdal iyo Selel, iyadoo dadka ku nool deegaannadaasi loogu digay in aan la samayn karin abaabul dagaal ama si sharci-darro ah loo qaadan karin hub wixii ka dambeeya 2:00 duhurnimo ee Axadda, 20-ka Sebtembar.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo), ayaa sheegay in marka uu dhaqan galo amarkaasi ay mamnuuc noqon doonto in gobollada Awdal iyo Selel lagu arko cid abaabulan ama hubaysan, iyo qof si gaar ah u sita hub aan sharci u haysan.

Wasiiru-dawlaha ayaa faray ciidamada ammaanka inay tallaabo sharci ah ka qaadaan dadka lagu qabto hubka sharci-darrada ah. Sida uu sheegay, hubka laga qaado dadka aan haysan oggolaanshaha sharciga ah waxaa lagu wareejin doonaa ciidamada ammaanka, halka dadka lagu qabtana loo gudbin doono hay’adaha garsoorka.

Cabdirashiid Magaalo ayaa sidoo kale sheegay in qof kasta oo si hubaysan uga hor yimaada ciidamada ammaanka, haddii uu ku dhaawacmo ama ku dhinto iska horimaadkaas, uusan magdhow ka dalban karin xukuumadda Somaliland.

Amarkan ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda amni ee qaybo ka mid ah Awdal iyo Selel ay ahayd arrin xasaasi ah, iyadoo xukuumaddu hore u adkaysay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta maamulka, ciidamada ammaanka iyo madax-dhaqameedka. Dhowaan ayaa sidoo kale Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga uu kulamo amni la yeeshay masuuliyiin iyo madax-dhaqameedyo, iyadoo diiradda lagu saaray ilaalinta xasilloonida iyo ka hortagga falalka khalkhal gelin kara amniga.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhinaca kale ugu baaqday odayaasha dhaqanka iyo shacabka ku nool Awdal iyo Selel inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan sugidda amniga, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta rabshado ama iska horimaadyo cusub.

Awaamiirtan ayaa imanaya xilli ay jireen xiisado la xiriira xaaladda amni iyo siyaasadeed ee deegaannada Awdal iyo Selel. Xukuumaddu waxay sheegtay in dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida gobolladaasi ay socdaan, iyadoo loo baahan yahay in bulshada iyo madaxda dhaqanku door ka qaataan dejinta xaaladda.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe