Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka wajahaysa xaalad siyaasadeed oo kacsan, kaddib markii ciidamo Macawiisley ah ay la wareegeen qaar ka mid ah goobihii loo asteeyay in lagu qabto diiwaangelinta cod-bixiyayaasha.
Ciidamada ayaa shalay lagu arkay xarumo ay ka mid tahay Mujamac School, oo ka mid ah goobaha loo qorsheeyay hawlaha diiwaangelinta doorashada lagu murunsanyahay. Wararka ayaa sheegaya in hawlihii doorashada ay hakad galeen, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay kasoo horjeedaan habka loo wado doorashada Hirshabeelle.
Xiisadda ka taagan Beledweyne ayaa la xiriirta doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Hirshabeelle.
Guddiga doorashooyinka lagu muransanayahay ayaa horey u sheegay in 30-ka Sebtembar 2026 loo qorsheeyay in doorashada Hirshabeelle la qabto. Hase yeeshee, qaar ka mid ah dadka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan ayaa qaba tabashooyin ku saabsan habka doorashada iyo sida loo maamulayo.
Ciidamada Macawiisleyda ee la wareegay goobaha diiwaangelinta ayaa sheegay inaysan oggolaan doonin doorasho ay u arkaan mid aan heshiis siyaasadeed laga gaarin.
Indhaha ayaa hadda lagu hayaa sida ay dowladda federaalka, maamulka Hirshabeelle iyo dhinacyada reer Hiiraan uga jawaabaan xaaladda.
Waxa sidoo kale la sugayaa in hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyayaasha dib uga billowdaan Beledweyne iyo in xal siyaasadeed laga gaaro tabashooyinka jira.

