Saturday, August 15, 2026
HomeWararGudahaUganda oo ciidamadeeda sii joogayaan Soomaaliya xilli AUSSOM wajahayo caqabado dhaqaale

Uganda oo ciidamadeeda sii joogayaan Soomaaliya xilli AUSSOM wajahayo caqabado dhaqaale

Dowladda Uganda ayaa dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay inay sii waddo taageerada amniga Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamadeeda, xilli mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM, uu wajahayo cadaadis dhinaca dhaqaalaha iyo taageerada saadka ah.

Wasiirka Difaaca iyo Arrimaha Ciidamada Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa sheegay in dalkiisu weli ka go’an tahay taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Hadalladiisa ayaa yimid xilli dalalka ciidamada ku tabarucay AUSSOM ay Kampala ku yeesheen shir aan caadi ahayn oo looga hadlayay mustaqbalka howlgalka iyo sidii looga hortagi lahaa farqi amni oo ka dhasha isbeddelka qorshaha ciidamada.

Uganda ayaa Soomaaliya ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira, iyadoo ciidamadeedu dalka joogeen tan iyo bilowgii howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM sannadkii 2007. Sannadihii dambe waxay sii wadday ciidamo ka tirsan UPDF oo hadda ku shaqeeya magaca AUSSOM.

Joogitaanka Uganda ma aha mid ku eg hadal siyaasadeed oo keliya. Bishii May 2026, ciidamada Uganda waxay Soomaaliya ku soo biiriyeen Battle Group 47, oo ka tirsan ciidamadooda ka howlgalaya AUSSOM, taas oo muujinaysa in Kampala ay weli qorsheyneyso inay ciidamo ku sii hayso Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ayaa sidoo kale ka howlgalaya qaybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, waxaana ay wada howlgallo iyo roondooyin amni la sameeyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliya ayaa bishii July 2026 sameeyay roondo wadajir ah oo ka dhacay deegaanka Baraawe iyo nawaaxigiisa.

Tallaabooyinkan ayaa muujinaya in Uganda aysan hadda u dhaqaaqin inay si degdeg ah ciidamadeeda uga saarto Soomaaliya, balse ay doonayso in joogitaankeeda lagu saleeyo xaaladda amni ee dhabta ah.

Maxaa Uganda ku riixaya inay sii joogto soomaaliya ?

Uganda waxay muddo dheer Soomaaliya ka ahayd dalalka ugu waaweyn ee ciidamada ka jooga. Dowladda Kampala waxay ku doodaysaa in xaaladda amni ee Soomaaliya aysan weli gaarin heer ay ciidamada Midowga Afrika si fudud uga bixi karaan.

Wasiir Kiwanuka ayaa ka digay in ciidamada laga saaro goobaha iyadoo aan la hubin awoodda ciidamada Soomaaliya ay u leeyihiin inay la wareegaan masuuliyadda amniga ay abuuri karto farqi amni. Wuxuu xusay in waayo-aragnimadii kala-guuradii hore ay muujisay khatarta ka dhalan karta bixitaan degdeg ah.

Digniintan ayaa muhiimad gaar ah yeelanaysa iyadoo Al-Shabaab ay weli awood iyo saameyn ku leedahay qaybo ka mid ah Soomaaliya, isla markaana ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay weli wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda.

Dhibaatada dhaqaale ee AUSSOM.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla AUSSOM waa dhaqaale la’aanta iyo hubanti la’aanta maalgelinta.

Uganda waxay ku baaqday in dib loo habeeyo nidaamka lagu maalgeliyo howlgalka, iyadoo sheegtay in ciidamada Afrika ay muddo dheer qaadeen mas’uuliyad culus oo amni, balse aysan haysan dhaqaale joogto ah oo la saadaalin karo.

Kampala waxay ku doodaysaa in howlgalka uusan si wanaagsan u shaqeyn karin haddii aysan jirin dhaqaale lagu bixiyo mushaharka ciidamada, gaadiidka, shidaalka, adeegyada caafimaadka, sahayda iyo hawlgallada milatari.

Arrintan ayaa noqotay mid sii xasaasi ah kadib markii la qorsheeyay in Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, uu soo afjaro howlihiisa dhammaadka December 2026. UNSOS waxay AUSSOM siisaa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin saadka, duulimaadyada, caafimaadka iyo taageerada farsamo.

Uganda oo ka digtay in amniga laga hormariyo jadwalka bixitaanka.

Doodda hadda taagan ma aha oo keliya in ciidamada Midowga Afrika ay baxayaan iyo in kale, balse waxaa xoogga la saarayaa goorta iyo sida ay u baxayaan.

Uganda waxay doonaysaa in go’aanka bixitaanka lagu saleeyo xaaladda amni ee goob kasta, halkii jadwal siyaasadeed oo keliya lagu dhaqmi lahaa.

Kiwanuka ayaa sheegay in horumarka militari ee la sameeyay intii ay socdeen AMISOM, ATMIS iyo AUSSOM uu yahay mid muhiim ah, balse xaaladda amni ee Soomaaliya ay weli jilicsan tahay. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in xal waara uusan ku imaan karin milatari oo keliya, balse loo baahan yahay wadahadal siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin u dhexeysa dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Ciidamada Soomaaliya oo mas’uuliyadda si tartiib ah ula wareegaya.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa socda qorshe lagu doonayo in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si tartiib ah ula wareegaan masuuliyadda amniga dalka.

Qorshahaasi wuxuu ka dhigan yahay in saldhigyo iyo goobo ay haysteen ciidamada Midowga Afrika loo wareejiyo ciidamada Soomaaliya.

Laakiin Uganda waxay ka digaysaa in kala-guurkaasi uusan noqon mid degdeg ah oo keena meel bannaan oo amni.

Arrintan ayaa si gaar ah muhiim u ah marka la eego meelaha ay ciidamada Soomaaliya weli u baahan yihiin taageero dhanka saadka, sirdoonka, caafimaadka iyo awoodda hawlgallada.

Uganda iyo dagaalka Al-Shabaab.

Uganda waxay leedahay waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan dagaalka Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Ciidamadeedu waxay ka mid ahaayeen ciidamada ugu horreeyay ee Midowga Afrika ee Soomaaliya loo diro, waxaana ay ka qayb qaateen howlgallo badan oo ka dhacay koonfurta dalka.

Sannadkan 2026, ciidamada Uganda ee AUSSOM ayaa weli ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada Koonfur Galbeed iyo Lower Shabelle. Ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliya ayaa sidoo kale wada sameeyay howlgallo iyo roondooyin lagu xoojinayo amniga.

Tani waxay muujinaysaa in Kampala ay u aragto amniga Soomaaliya arrin si toos ah ula xiriirta xasilloonida gobolka Bariga Afrika.

Madaxweyne Museveni oo sheegay in Soomaaliya aan laga tagi doonin.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya aan laga tagi doonin, xilli ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan taageerada caalamiga ah ee howlgalka.

Museveni iyo madax kale oo Afrikaan ah ayaa ku adkeystay in la ilaaliyo guulihii amni ee la gaaray muddo ku dhow labaatan sano, isla markaana la raadiyo xalal Afrikaan ah oo lagu sii wadi karo dadaallada xasillinta Soomaaliya.

Hadalkan ayaa xoojinaya mowqifka Uganda ee ah in bixitaanka ciidamada shisheeye uusan noqon mid abuura firaaq amni.

Previous article
Wareejinta saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmada Buurhakaba, gobolka Bay, ayaa dib u soo celisay doodda ku saabsan mustaqbalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka. Ciidamada Itoobiya ayaa muddo dheer ku sugnaa qaybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool, iyagoo qeyb ka ahaa dadaallada lagu taageerayo dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Wareejinta saldhigga Buurhakaba ayaa loo arki karaa tusaale ka mid ah hannaanka kala-guurka amniga, kaas oo loogu talagalay in ciidamada Soomaaliyeed ay si tartiib ah ula wareegaan goobihii ay ciidamada Midowga Afrika ku sugnaayeen. tallaabadan waxay sidoo kale dhalisay su’aalo muhiim ah: Maxaa dhici kara haddii ciidamada Midowga Afrika ay si buuxda uga baxaan Soomaaliya iyadoo ciidamada dalka aysan weli diyaar u ahayn inay buuxiyaan dhammaan boosaska ay ka baxayaan? Buurhakaba iyo muhiimadda ay leedahay wareejinta saldhigga. Degmada Buurhakaba waxay ku taallaa gobolka Bay, waxayna leedahay muhiimad istiraatiiji ah oo dhanka amniga iyo isu-socodka ah,Waxay ku dhowdahay waddooyinka muhiimka ah ee isku xira Muqdisho, Baydhabo iyo deegaanno kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed. Sidaas darteed, saldhigga Buurhakaba ma ahayn oo keliya meel ay ciidamadu ku nastaan ama ku sugaan amniga degmada, balse wuxuu qeyb ka ahaa isku-xirka ciidamada iyo ilaalinta waddooyinka muhiimka ah. Ciidamada Itoobiya ayaa halkaasi joogay tan iyo sannadkii 2014-kii, waxaana muddadaas ay qeyb ka ahaayeen howlgallada amni ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Markii saldhigga loo wareejiyay ciidamada Soomaaliyeed, waxaa dowladda Soomaaliya horyaalla mas’uuliyad weyn oo ah inay ilaaliso saldhigga, deegaanka ku xeeran iyo waddooyinka muhiimka ah. AUSSOM iyo qorshaha kala-guurka amniga. Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo loo yaqaan AUSSOM, wuxuu beddelay howlgalka ATMIS bilowgii sannadkii 2025. Ujeeddada ugu weyn ee hannaanka kala-guurka ayaa ah in ciidamada Soomaaliya ay si tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka. Taasi waxay ka dhigan tahay in ciidamada Midowga Afrika aysan si lama filaan ah uga bixi doonin dhammaan Soomaaliya, balse saldhigyada iyo masuuliyadaha amni loo wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed iyadoo la eegayo xaaladda goob kasta. Hannaankan waxaa loogu talagalay in Soomaaliya ay ugu dambeyn yeelato ciidan awood u leh inuu si madax-bannaan u ilaaliyo dalka,Laakiin qorshahan wuxuu u baahan yahay dhaqaale, tababar, qalab, isku-duwid iyo qorshe siyaasadeed oo mideysan,Haddii ciidamada Midowga Afrika ka baxaan, maxaa ugu horreyn dhici kara? Ciidamada Midowga Afrika ay si buuxda uga baxaan Soomaaliya, natiijada ka dhalan karta waxay ku xirnaan doontaa heerka ay ciidamada Soomaaliyeed diyaar u yihiin. Haddii ciidamada Soomaaliya ay haystaan awood ku filan, bixitaanku wuxuu noqon karaa fursad lagu xoojinayo madaxbannaanida amni ee dalka. Laakiin ciidamada Soomaaliya aysan weli diyaar u ahayn inay la wareegaan dhammaan masuuliyadaha, waxaa dhici karta in uu soo baxo firaaq amni. Firaaqa amni wuxuu dhacaa marka goob ay ciidamo ka baxaan iyadoo aan jirin ciidan kale oo awood u leh inuu si degdeg ah u buuxiyo booskaas. Xaaladda Soomaaliya, firaaq noocaas ah wuxuu siin karaa Al-Shabaab fursad ay ku kordhiso weerarrada ama ay dib ugu soo laabato deegaanno ay ciidamada dowladda ka yaraadaan. Al-Shabaab oo ka faa’iideysan karta firaaqa amni. Al-Shabaab ayaa muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada taageera. Kooxdu waxay isticmaashaa habab kala duwan oo ay ku jiraan weerarro toos ah, qaraxyo, gaadmo iyo weerarro lagu beegsado saldhigyada ciidamada. ciidamada Midowga Afrika Haddii ay ka baxaan goobaha qaar iyadoo aan ciidamada Soomaaliya si wanaagsan loogu diyaarin, Al-Shabaab waxay isku dayi kartaa inay ka faa’iideysato meelaha daciifka ah. Tani waxay si gaar ah khatar ugu noqon kartaa deegaannada ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee ay kooxda weli saameynta ku leedahay. Waddooyinka waaweyn oo noqon kara meelaha ugu nugul. Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee ka dhalan kara bixitaanka ciidamada shisheeye ayaa noqon kara amniga waddooyinka. Ciidamada Soomaaliya haddii ay la wareegaan saldhig ku yaalla magaalo, waa inay sidoo kale awood u yeeshaan inay ilaaliyaan waddooyinka isku xira magaalada iyo deegaannada kale. Buurhakaba waxay tusaale cad u tahay arrintan. Haddii saldhigga Buurhakaba la ilaaliyo, laakiin waddooyinka ku dhow ay noqdaan kuwo aan ammaan ahayn, waxaa adkaan karta in ciidamada iyo shacabka ay si xor ah u kala safraan. Sidoo kale waxaa saameyn kara ganacsiga, gaadiidka iyo gaarsiinta adeegyada bulshada. Shacabka maxay kala kulmi karaan haddii amnigu hoos u dhaco? bixitaanka ciidamada Midowga Afrika uu sababo hoos u dhac amni, shacabka ayaa noqon kara dadka ugu horreeya ee saameynta dareema. Sidaas darteed, kala-guurka amniga ma aha arrin ku kooban ciidamada oo keliya, balse wuxuu si toos ah u saameyn karaa nolosha dadka rayidka ah. Dhinaca kale, bixitaanka wuxuu noqon karaa fursad. Ciidamada Midowga Afrika ay Soomaaliya ka baxaan ma aha oo keliya arrin khatar ah,Haddii si wanaagsan loo qorsheeyo, waxay Soomaaliya u noqon kartaa fursad weyn,Muddo sanado ah Soomaaliya waxay ku tiirsaneyd ciidamada caalamiga ah iyo kuwa Midowga Afrika,Kala-guurka wuxuu dowladda siin karaa fursad ay ku dhisto ciidan qaran oo awood u leh inuu si madax-bannaan u ilaaliyo dalka Maxaa ciidamada Soomaaliya looga baahan yahay? Ciidanka Soomaaliya ma awoodi doono inuu mas’uuliyadda amniga la wareego haddii aan la helin taageero ku filan,Askari wuxuu u baahan yahay tababar joogto ah oo ku saabsan dagaalka, ilaalinta shacabka, sirdoonka iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah.Ciidamada ku sugan saldhigyada fog waxay u baahan yihiin cunto, biyo, shidaal, dawo iyo qalab. Amniga Soomaaliya wuxuu u baahan yahay wada shaqeyn joogto ah oo u dhexeysa dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada, ciidamada qaranka iyo hay’adaha kale ee amniga. khilaafaad siyaasadeed haddii uu saameeyo ciidamada, waxaa adkaan karta in si mideysan looga jawaabo khataraha amni. Maxaa dhici kara haddii bixitaanka lagu degdego? ciidamada Midowga Afrika marka ay si degdeg ah uga baxaan goobaha ay weli ka jiraan khataraha amni, dhowr xaaladood ayaa dhici kara, Al-Shabaab waxay isku dayi kartaa inay weerarro culus ka fuliso saldhigyada cusub ee ciidamada Soomaaliya,Qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ayaa noqon kara kuwo amnigoodu liito,Dadka ku nool meelaha ay ciidamada shisheeye ka baxaan waxay dareemi karaan cabsi. Mustaqbalka AUSSOM. AUSSOM weli waxay leedahay door muhiim ah oo ku saabsan taageerada ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,Sidaa darteed, hadalka ku saabsan bixitaanka ciidamada Midowga Afrika waa in loo fahmaa inuu yahay geeddi-socod kala-guur ah, ee aysan ahayn in dhammaan ciidamada hal mar Soomaaliya uga baxayaan. Ugu Dambeeyn Ujeeddadu waa in mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo la eegayo xaaladda amni ee goob kasta.
Next article
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe