Wednesday, August 12, 2026
HomeUncategorizedSacdiya Bajaaj oo maanta dib xorriyaddeeda u heshay

Sacdiya Bajaaj oo maanta dib xorriyaddeeda u heshay

Sacdiya Macallin Cali oo ku magac dheer Sacdiya Bajaaj oo dhammaadkii June ee sannadkaan uu ku dhacay Xukun Maxkamadeed oo 3 sano ah ayaa maanta dib xorriyaddeeda u heshay kaddib markii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ay baabi’isay xukunkaas.

Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa dhowaan dhagaysatay racfaanka ay xukunkii hore ka qaateen qareennada Sacdiyo Bajaaj, waxa ay sharaxeen ujeedka racfaankooda iyada oo ugu dambayn Maxkamaddu shaacisay maanta in ay burisay xukunkaas.

Ehelka Sacdiyo ayaa saacado kahor inta uusan soo bixin xukunka lagu daayay waxa ay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ka codsadeen in ay dib xorriyaddeeda u siiso kana laasho xukunkii horay ugu dhacay sida ay hadalka u dhigeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe