Saturday, August 1, 2026
HomeWararGudahaMareykanka oo ku maalgeliyey malaayiin doollar Soomaaliya la baatanankii sano ee la...

Mareykanka oo ku maalgeliyey malaayiin doollar Soomaaliya la baatanankii sano ee la soo dhaafay

Taliyaha Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jen. Dagvin R.M. Anderson, ayaa diiday soo-jeedinnada sheegaya in Mareykanku uu ka baxay Soomaaliya, isagoo sheegay in Washington ay weli go’an tahay inay taageerto dagaalka ka dhanka ah argagixisada isla markaana filaya in mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay qaataan masuuliyadda weyn ee amnigooda.

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jen. Dagvin R.M. Anderson, ayaa sheegay in Mareykanku uu si weyn u maalgeliyay dhisidda awoodaha Soomaaliya ee ka hortagga argagixisada isla markaana uu ahaan doono saaxibo inta Soomaaliya ay wado dadaallada amni ee ay hoggaaminayso.

“Mareykanku ma baneynin Soomaaliya,” ayuu yiri Anderson. “Waxaan halkan muddo sannado ah ku howlnaneyn. Waxaan ku howlaneyn, waxaan u maleynayaa, si aad u wax ku ool ah.”

Anderson wuxuu tusaale u soo qaatay Ciidanka Gaarka ah ee Danab ee tababarka ka helay Mareykanka mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee iskaashiga amniga ee labada dal.

“Waxaan ka caawinnay dhisida Danab, mid ka mid ah ciidamadii ugu awoodda badnaa qaaradda. Aad ayaan ugu faanayaa ka qayb qaadashadeenna dhisida ciidankan ka hortagga argagixisada. Waan dhammaystirnay. Waxaan dhisnay ciidankan, hadda wuu jirayaa, waxaana diyaar u yahay in loo isticmaalo ka hortagga argagixisada.”

Wuxuu yiri mas’uuliyadda hadda waxay saaran tahay Soomaaliya si ay u sii hayso uguna ballaariso ciidankan.

“Laakiin hadda waxay ku xiran tahay Soomaaliya in ay sii hayso ciidankan, sii waddo howshiisa, dhisto oo sii wado sidii loogu talagalay si looga hortago argagixisada,” ayuu yiri Anderson.
Taliyaha AFRICOM ayaa qirtay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Washington ay si sii kordheysa u waydiinayaan goorma Soomaaliya ay awoodi doonto inay si madax-bannaan u maamusho caqabadaha ammaankeeda kadib sannado ka mid ah caawinaadda milatari ee Maraykanka.

“Waxaa jira dad ku sugan Washington oo leh waxaan halkaan joognay sannado badan. Goorma ayay Soomaaliya noqonaysaa mid madax-bannaan oo ka qaaddo mas’uuliyadda arrimahan?” ayuu yiri.
Wuxuu xusay in Maraykanku wajahayo caqabado amni oo kala duwan adduunka oo dhan iyo in sii wadida ka qaybgalka muddada dheer ay ku xiran tahay horumar joogto ah oo ay Soomaaliya samayso.

“Haddii Soomaaliya tallaabo qaaddo oo dowladda ay hoggaanka qabato, weli waan joognaa maxaa yeelay dan wadaag ayaa jirta,” ayuu Anderson yiri. “Laakiin haddii aan arki karin taas, islamarkaana xasilooni darrada siyaasadeed iyo is qabqabsiga siyaasiga ah ay sii socdaan, markaas aad bay noo adkaan doontaa inaan sii wadno ka qaybgalka.”

Hadalladiisa waxay yimaadeen iyadoo muran sii kordhaya uu ka taagan yahay mustaqbalka ka qaybgalka Mareykanka ee Soomaaliya ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu xafiiska ku soo laabtay. Trump hore ayuu u jeediyay hadallo dhaliil ah oo ku saabsan Soomaaliya iyo soo-galootiga Soomaalida isagoo raadinaya siyaasado socdaal oo adag isla markaana si dadweynaha ah ugu murmay Xildhibaanka Dimuqraadiga ah Ilhan Omar.

In kasta oo ay jiraan walaacyo ku saabsan ka go’naanshaha muddada-dheer ee Washington, howlgallada milateri ee Mareykanka ee Soomaaliya ayaa xoogeysanaya. Sida laga soo xigtay xogta ay ururisay New America Foundation, Mareykanku wuxuu fuliyay duqeymo cirka ah oo badan oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxda ISIS ee Soomaaliya tan iyo markii Trump uu xafiiska ku soo laabtay.

Wadar ahaan waxay horey uga badan tahay tirada isku-darka ah ee duqeymaha lagu fuliyay xilligii madaxweyneyaashii George W. Bush, Barack Obama iyo Joe Biden, waxayna Trump ku ridaysaa waddada uu ku dhaafi karo 219-ka duqeyn ee lagu fuliyay xilligii uu xilka hayay markii ugu horreysay.

Ololaha duqeymaha wuxuu inta badan la beegsanayay al-Shabab, kooxda hubeysan ee la xiriirta al-Qaida oo ilaa 2007 dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya isla markaana xukuma qaybo ka mid ah koonfur-bari Soomaaliya, iyo sidoo kale laanta Daacish ee ku saleysan buuraleyda waqooyi-bari dalka.

Mareykanku wuxuu ku maalgeliyey malaayiin doollar Soomaaliya intii lagu jiray labaatanankii sano ee la soo dhaafay, isagoo bixiyey tababar militari, taageero sirdoon, caawimaad ka hortagga argagixisada iyo gargaar bani’aadamnimo. Washington weli waa mid ka mid ah la-hawlgalayaasha ugu waaweyn ee amniga Soomaaliya iyadoo dowladda federaalku ay doonayso inay daciifiso kooxaha hubeysan isla markaana si tartiib tartiib ah u qaadato masuuliyad ballaaran oo ku saabsan amniga qaranka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe