Monday, July 27, 2026
HomeWararGudahaGolaha Mustaqbalka oo Codsi layaab leh u diray Wadamada Ciidamada ka joogaan...

Golaha Mustaqbalka oo Codsi layaab leh u diray Wadamada Ciidamada ka joogaan Soomaaliya

War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada Midowga Afrika ee dalka jooga inay waddanka sii joogaan isla markaana ay sii wadaan Howlgalada Ciidamada AUSSOM sida bayaanka lagu xusay.

Golaha Mustaqbalka ayaa codsigaan sabab uga dhigay xaaladda Dalka ee dhinaca siyaasadda, Doorashooyinka iyo Amniga isaga oo tilmaamay in dalalkaas soo diray ciidamada Midowga Afrika ay ka codsanayaan inaysan la bixin askartooda.

Inkasta oo aanay miiska saarnayn qorshe lagu saarayo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan tan iyo sannadkii 2007 balse waxaa socda kulamo looga hadlayo Mustaqbalkooda iyo culayska dhinaca dhaqaalaha ah ee soo kordhay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgashay kulamo khubarro ciidan ay ku kala yeesheen Muqdisho iyo Addis Ababa halka 31ka Bishaan ay ku casuuman tahay shirka ka dhacaya Kampala ee isla ajandahaan looga hadlayo.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna saleeyo wada-hadal iyo is-afgarad, si dib loogu soo celiyo sharciyadda hay’adaha dowladda, loo ilaaliyo dhex-dhexaadnimada ciidamada qaranka, loona abuuro hannaan doorasho iyo marxa;ad kala-guur oo nabdoon.

Golaha Mustaqbalka Waxay madaxda dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ka codsadeen inay taageeraan dadaal kasta oo horseedaya heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyagoo sheegay in heshiiskaas uu yahay shuruudda ugu muhiimsan ee guusha howlgal kasta oo amni iyo xasilin ee ka socda gudaha Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe