Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ahna Xarunta Midowga Afrika waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo Mustaqbalka Ciidanka AUSSOM ee jooga Soomaaliya kaddib markii dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah uu soo wajahay Mustaqbalka Ciidanka AUSSOM.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad casumaad ah la gaarsiiyay Safaaradda ay ku leedahay Magaalada Addis Ababa si ay uga qaybgasho shirkaan oo looga hadlayo mustaqbalka ciidanka Afrikaanka ah ee Dalka jooga.
Qodobada kasoo baxa Wadahadalkaan waxa uu horudhac u yahay kulan weyne qabsoomaya 31ka Bishaan oo ka dhacaya Magaalada Kampala ee caasimadda Uganda iyada oo lasoo saari doonno go’aanka ugu dambeeya ee Mustaqbalka AUSSOM.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa latageysa kulanka ajandayaal la xiriira diyaarinta ciidamada iyada oo aanay meesha ka marnayn sida ay ugu diyaargarowday buuxinta saldhigyada ciidamada qaarkood.
Dowladdu waxa ay kulamo la xiriira dhinaca Amniga iyo arrinta suuragal ka dhigi karta inay Ciidanka Afrikaanka ah ay waqti weliba dalka ka bixi karaan la qaadatay Dowladaha taageera iyada oo u bandhigtay arrimo ku saabsan in ay doorkooda ka qaataan arrimahaan soo kordhay.
Labaatankii bishaan waxaa kulamay Safiirka UK, Madaxa AUSSOM waxaana ay kawada hadleen mustaqbalka Hawlgalka iyo ammaanka Soomaaliya.
Kulanku wuxuu cadeeyay in wadashaqeynta caalamiga ah ay sii socoto iyadoo Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda ay qiimeynayaan mustaqbalka howlgallada Midowga Afrika iyo taageerada amni ee dalka guud ahaan.
Labada mas’uul waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii wado wada-shaqaynta ka dhaxaysa la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo taageero dadaallada nabadda, ammaanka iyo xasilinta ee ay madaxda u yihiin Soomaaliya. Safaaradaha & Qunsuliyadaha
Safirka Britain ee Soomaaliya Charles King ayaa ka mid ah madaxda la kulantay Madaxa Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) Safiirka El Hadji Ibrahima Diene si ay uga wada hadlaan howsha hawlgalka, xaaladda amni ee hadda jirta iyo horumarradii dhawaan ee saameeyay mustaqbalkiisa.
Sida laga soo xigtay AUSSOM, kulanku wuxuu diiradda lagu saarayay howsha hawlgalka, deegaanka howlgalka iyo saameynta isbeddellada siyaasadeed iyo taageerada dhaqaale ee dhowaan la helay.
“Dooduhu waxay iftiimiyeen baahida muhiimka ah ee loo qabo in si wadajir ah loo shaqeeyo si loo taageero nabadda, ammaanka iyo xasilinta ay madaxda u yihiin Soomaalida,” AUSSOM ayaa ku sheegtay war-bixin.
Wadahadalladan waxay socdaan iyadoo AUSSOM ay ku dhowdahay dhammaadka waajibaadkeeda hadda ee 31-ka December, 2026. Boggahaa kordhinta howlgalku waxay ku xirnaan doontaa go’aannada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, helitaanka maalgelin waarta iyo ballanqaadyada dalalka ku tabaruca ciidamada.

