Friday, July 17, 2026
HomeWararGudahaPuntland oo saakay xukun qisaas ah ku fulisay ninkii dilay taliyihii booliiska...

Puntland oo saakay xukun qisaas ah ku fulisay ninkii dilay taliyihii booliiska degmada Jarriiban

Gacan ku dhiiglihii loo haystay dilka Taliyihii saldhigga Booliiska degmada Jariiban ee gobolka Mudug, Guleed Kadleeye, ayaa saakay lagu fuliyay xukun qisaas ah, kaddib markii ay ku heshiiyeen qoyska marxuumka iyo qoyska eedeysanaha.

Ninka la qisaasay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Kooshin, ayay ciidamada ammaanku soo qabteen saacado yar kaddib dilkii taliyaha, waxaana loo gudbiyay hay’adaha garsoorka oo ku riday xukun dil ah, kaas oo saakay laga fuliyay degmada.

Qoyska marxuumka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku qanceen caddaaladda, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in qof kaste oo dil bareer ah geysta si degdeg ah loogu fuliyo caddaaladda. Waxay u mahad celiyeen ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay dambiilaha oo markii uu falka geystay baxsaday.

Fulinta xukunka qisaasta ayaa soo afjartay kiiska dilka taliyaha.

Sarkaalka loo qisaasay ahna taliyaha Jarriiban Guleed Kadleeye ayaa ka mid ahaa ciidamadii Gorgor ee tababarka ku soo qaatay Turkiga xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ka tirsanaa saraakiishii dhowaan loo kala diray degmooyinka Puntland si loo xoojiyo amniga.

Marxuumku wuxuu muddooyinkii u dambeeyay hormuud ka ahaa dadaallada lagu sugayay amniga degmada Jariiban, gaar ahaan la dagaallanka hubka sharci-darrada ah iyo xoojinta howlaha booliiska.

Degmada Jariiban ayaa sidoo kale saldhig u ah ciidamo dhowaan laga qoray Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana mararka qaar laga soo sheegaa dhaqdhaqaaqyo la xiriira burcad-badeednimo.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe