Go’aanka Mareykanka ee uu kaga soo horjeestay sii wadidda taageerada saadka ee Qaramada Midoobay siiso Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM,) ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo mustaqbalka hawlgalka iyo jihada amniga Soomaaliya.
Falanqayn ay daabacday xarunta cilmi-baarista ee Amani Africa ayaa sheegaysa in haddii taageerada Qaramada Midoobay ay joogsato, ay adkaan doonto in AUSSOM ay sii shaqeyso wixii ka dambeeya Diseembar 2026, xilliga uu ku egyahay waajibaadka hadda jira ee hawlgalka.
Warqad uu Mareykanku 1-dii Luulyo u diray Midowga Afrika ayuu ku sheegay in inkastoo in ka badan toban sano oo taageero caalami ah la siiyay Soomaaliya, haddana aan weli la gaarin horumar waara oo lagu wiiqayo Al-Shabaab, laguna dhisayo hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda dalka. Washington waxay sidoo kale farta ku fiiqday khilaafaadka siyaasadeed iyo loollanka hoggaanka oo ay sheegtay inay wiiqeen dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish.
Aragtidan ayaa ka tarjumaysa isbeddel ku yimid siyaasadda Mareykanka ee Afrika. Taliyaha AFRICOM, General David Anderson, ayaa dhawaan sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono taageerada dhinacyada ay waddamada Afrika u baahan yihiin, balse xalalka muddada dheer ay tahay inay hoggaamiyaan dowladaha Afrika. Isagoo ka hadlayay Soomaaliya ayuu sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uusan ku ekaan karin duqeymaha cirka, balse uu u baahan yahay xal ay hoggaaminayaan Soomaaliya iyo gobolka.
Xilligan, Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa laf-dhabar u ah hawlgalka AUSSOM, isagoo bixiya adeegyo ay ka mid yihiin gaadiidka, shidaalka, cuntada, daryeelka caafimaadka, isgaarsiinta, dayactirka qalabka iyo taageerada ciidamada. Haddii adeegyadaasi joogsadaan, waxay saameyn toos ah ku yeelan karaan awoodda hawlgalka ee ciidamada Midowga Afrika.
Marka laga soo tago arrinta taageerada, Amani Africa waxay sheegtay in AUSSOM ay muddooyinkii dambe wajahaysay caqabado dhaqaale oo sii kordhayay. Inkastoo miisaaniyadda hawlgalka ee muddada Juun 2025 ilaa Luulyo 2026 lagu qiyaasay 166.5 milyan oo doolar, qayb yar oo keliya ayaa la helay. Hawlgalku wuxuu sidoo kale dhaxlay deymo badan oo uu ka tagay howlgalkii ATMIS, halka miisaaniyadda UNSOS laga dhimay 130 milyan oo doolar, taasoo sii adkaysay xaaladda.
Sida ay falanqayntu tilmaamayso, xitaa haddii Midowga Afrika uu isticmaalo ilo dhaqaale oo kale si uu u daboolo farqiga jira, taasi uma badna inay badbaadiso hawlgalka wixii ka dambeeya dhammaadka 2026. Sidaas darteed, waxay ku talinaysaa in Midowga Afrika uu bilaabo qorshe bixitaan oo nidaamsan, isla markaana uu kala shaqeeyo Qaramada Midoobay, dowladda Soomaaliya iyo dalalka ciidamada keena sidii loo diyaarin lahaa hannaan ku-meel-gaar ah.
Falanqayntu waxay sidoo kale saadaalisay in haddii AUSSOM ay dhammaato, Soomaaliya ay si weyn ugu tiirsanaan karto iskaashi laba geesood ah oo ay la yeelato dalal ay ka mid tahay Turkiga si loo buuxiyo farqiga amni ee ka dhalan kara.
Si kastaba ha ahaatee, Amani Africa waxay u aragtaa xaaladdan inay noqon karto fursad lagu beddelo doorka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo hawlgalka militari si tartiib tartiib ah loogu wareejin karo howl siyaasadeed oo xoogga saarta dib-u-heshiisiinta, dib-u-habaynta ciidamada ammaanka iyo taageeridda hannaan siyaasadeed oo ay hoggaaminayaan Soomaalida.
Haddii isbeddelkaasi hirgalo, wuxuu calaamad u noqon karaa marxalad cusub oo lagu tijaabinayo awoodda dowladda Soomaaliya ee ah inay si madax-bannaan u maareyso ammaankeeda, iyadoo isla markaasna ilaalinaysa guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

