Dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee dekedda Boosaaso ayaa xiran maalintii tobnaad sababa la xiriira muran ka taagan canshuuro cusub oo ay Puntland iyo shirkadda DP-World ku soo rogeen dekedda Bosaso.
Jaamac Hurre oo kamid ah ganacsatada Boosaaso ayaa sheegay in ganacsatadu aysan diidnayn bixinta canshuuraha waajibka ah, balse ay ka cabanayaan lacagaha dheeraadka ah ee lagu kordhiyay adeegyada dekedda xilli ay jiraan sicir-barar, abaaro iyo hoos u dhac dhaqaale. Wuxuu sheegay in kororkaasi uu culays ku noqonayo ganacsiga iyo macaamiisha.
Sida uu sheegay Hurre, shaqo-joojinta dekedda ayaa hakisay dhaqdhaqaaqii ganacsiga, halka suuqyada Boosaaso ay albaabada u xirteen si ay u muujiyaan taageerada cabashada ganacsatada. Wuxuu ka digay in haddii xal degdeg ah la waayo ay suuragal tahay in mudaharaadyadu ku fidaan deegaanno kale.
Ganacsaduhu wuxuu sheegay in ganacsatadu ay dhowr jeer wada-hadal la yeesheen dowladda Puntland, balse aan lagu guuleysan in heshiis laga gaaro muranka. Wuxuu ku eedeeyay dowladda inaysan weli muujin dadaal wax ku ool ah oo lagu soo afjarayo khilaafka.
Hurre ayaa sidoo kale ka digay in sii xirnaanshaha dekedda uu sababi karo koror ku yimaadda qiimaha badeecadaha iyo yaraanshaha sahayda gaarta Boosaaso iyo deegaannada kale ee ku tiirsan dekedda. Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Puntland iyo xukuumaddiisa inay si degdeg ah u bilaabaan wadaxaajood ay la yeeshaan ganacsatada.
Dhankiisa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Axmed Yaasiin Saalax, ayaa difaacay hirgelinta khidmadaha cusub, isagoo sheegay inay qayb ka yihiin heshiis lagu maalgelinayo ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Boosaaso. Wuxuu sheegay in dowladda ay muddo laba sano iyo bar ah dib u dhigtay dhaqangelinta kordhinta si loo tixgeliyo duruufaha ganacsatada.
Axmed Yaasiin wuxuu sheegay in wajigii koowaad ee mashruuca horumarinta dekedda la dhammaystiray intii u dhaxaysay Janaayo iyo Diseembar 2023, ayna ku jireen dhismaha 150 mitir oo deked cusub ah, dayactirka qayb ka mid ah dekeddii hore, ballaarinta barxadda dekedda, casriyeynta nalalka, qodista marinka maraakiibta iyo keenista qalab cusub oo ay ku jiraan tug boat qiimihiisu yahay shan milyan oo doollar iyo wiishash casri ah.
Wuxuu intaas ku daray in hadda la qorsheynayo wajiga xiga ee mashruuca, kaas oo ay ku jiraan dhismaha terminal cusub oo dhererkiisu yahay 300 mitir iyo marin gaar ah oo loogu talagalay dhoofinta xoolaha.

