Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billaabay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo xooggiisa ka socda deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug halkaas oo sidoo kale uu ka socdo abaabul ciidan.
Ciidamada Federaalka waxaa garabsiinaya Dadka deegaanka ee Macawiisleyda kuwaas oo muddo qayb ka ahaa howlgalladaan mar hakadka galay balse hadda Dowladdu ay doonayso in ay dib u billowday weliba si ka duwan qaabkii hore.
Gulufkaan ayaan ku jihaysan Deegaannada ay ‘AS’ ka joogaan Dowlad-Goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, waxaa ciidamadaan u dhaqaaqay howlgalka dhowaan la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalladaan cusub ay ka duwan howlgalladii hore, waxa ay xustay in diyaargarow xooggan la geliyay qorshaha lagu fulinayo howlgalkaan oo arrimo dhinaca ciidanka ah loo qariyay.

