Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa la sheegay in Sirdoonka Israa’iil ay u sheegeen in Iiraan ay dadejisay qorshe cusub oo ay ku dilayso Maadaama ay ku hanjabtay inay u aargudi doonto hoggaamiyahoodii dhowaan la aasay ee Ayatollah Ali Khamenei.
Qoraal uu Donald Trump soo dhigay akoonka uu ku leeyahay Truth Social waxa uu ku sheegay in ay jiraan hadallada la xiriira beegsiga ay isku dayeeso Iiraan si ay u disho waa sida uu hadalkiisa ku muujiyay Madaxweynaha Maraykanka.
Waxa uu ku goodiyay in uu qaadayo tallaab ka dhan ah Iiraan si uu uga hortago beegsiga ay la damacsan tahay, waxa uu ku hanjabay in uu burburin doonno dalkaas maadaama amarkiisa ay ku xiran yihiin weerarrada ka dhanka ah Xukuumadda Tehran.
Horay waxa uu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump u sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu inay bartilmaameed u yihiin Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan oo waqti badan gelinaya sidii ay u khaarijin lahaayeen labadaas mas’uul.

