Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in wada-hadalladii maalmahan ka socday Muqdisho ee u dhexeeyay dowladda federaalka iyo qaybaha kala duwan ee mucaaradka ay ku billowdeen jawi wanaagsan, isla markaana ay muujiyeen horumar ku aaddan is-afgaradka arrimaha doorashooyinka.
Jaamac ayaa sheegay in dowladda ay soo dhoweynayso furitaanka wada-hadallada, isagoo uga mahadceliyay dowladda Turkiga iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah doorkooda ku aaddan dhiirrigelinta geeddi-socodka siyaasadeed.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in dowladda federaalka ay muddooyinkii u dambeeyay xoogga saartay hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod, isagoo tilmaamay in dadaalladaasi ay isugu jireen dejinta sharciyada, dhismaha hay’adaha doorashada iyo wadatashiyo lala yeeshay dhinacyada kala duwan ee bulshada.
Wuxuu sheegay in inta badan dhinacyada ka qeybgalaya wada-hadallada ay isku aragti ka yihiin mabda’a ah in shacabka Soomaaliyeed helaan fursad ay ku doortaan hoggaankooda, isla markaana nidaamka doorashada uu ku salaysnaado dimuqraadiyad iyo axsaab badan.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in dooda harsan ay inta badan ku saabsan tahay habraacyada iyo hirgelinta doorashada, isagoo xusay in arrimahaas lagu xallin karo wada-hadal iyo is-afgarad.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda ay sii wadi doonto la-tashiyada ay la yeelanayso siyaasiyiinta mucaaradka, maamul-goboleedyada, ururrada bulshada rayidka, culimada iyo qaybaha kale ee bulshada, si loo gaaro hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Ugu dambeyn, wuxuu muujiyay rajo ah in wada-hadallada socda ay horseedi doonaan doorasho dimuqraadi ah oo Soomaaliya ka saarta nidaamkii doorashooyinka dadban, islamarkaana shacabka siiya fursad ay codkooda ugu doortaan hoggaankooda.

