Soomaaliya ayaa martigelisay shir heer sare ah oo looga hadlayo hirgelinta heshiiska isu socodka xorta ah ee dalalka xubnaha ka ah Urur-Goboleedka IGAD, xilli ay dowladda federaalku dadaal ugu jirto xoojinta isdhexgalka gobolka iyo fududeynta isu socodka dadka.
Shirkan oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho kana socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaa ka qeybgalaya khubaro iyo saraakiil ka socota hay’adaha dowladda ee qaabilsan socdaalka, maamulka xuduudaha iyo iskaashiga gobolka.
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka uu diiradda saarayo sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiska isu socodka xorta ah ee IGAD, kaas oo ujeeddadiisu tahay in muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka loo fududeeyo socdaalka, ganacsiga iyo helitaanka fursadaha waxbarasho iyo shaqo, iyadoo la ilaalinayo amniga iyo shuruucda waddamada.
Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabduqaadir Maxamuud Yuusuf Burgal, ayaa sheegay in qabashada shirkan ay muujinayso doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ku leedahay dadaallada gobolka.
“Waa farxad weyn in Soomaaliya ay martigeliso shirkan heerka sare ah ee IGAD, waxaana rajaynaynaa inuu horseedo iskaashi wax ku ool ah oo lagu hirgeliyo heshiiska isu socodka,” ayuu yiri.
Dhankiisa, Safiirka Soomaaliya u fadhiya IGAD, Maxamuud Kaasrhe, ayaa sheegay in heshiiska isu socodka uu qayb ka yahay qorshaha ururku ku doonayo inuu sare ugu qaado isdhexgalka dhaqaale iyo bulshada ee Bariga Afrika.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay saxiixday heshiiska bishii Maarso 2023, isla markaana hadda ay dowladda xoogga saarayso sidii loo dhaqan gelin lahaa, iyadoo la waafajinayo sharciyada cusub ee dalka ee la xiriira socdaalka iyo qaxootiga.
“Hirgelinta heshiiskan waxay fududeyn kartaa isu socodka ganacsatada, ardayda iyo xoolo-dhaqatada, waxayna kor u qaadi kartaa iskaashiga iyo koboca dhaqaalaha gobolka,” ayuu yiri Kaashe.
Urur-Goboleedka IGAD ayaa muddo dheer waday qorshe lagu hirgelinayo isu socod xor ah oo u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah, inkasta oo geeddi-socodka uu caqabado kala kulmay arrimo amni, sharci iyo siyaasadeed oo ka jira dalalka gobolka.

