Tuesday, July 7, 2026
HomeWararGudahaDagaal culus oo maanta ka dhacay Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaal culus oo maanta ka dhacay Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose

Degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay maanta weerar culus oo ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weerarka ku bilaabay qaraxyo is xigxigay ka hor inta aysan qaadin dagaallo fool ka fool ah.

Qaraxyada oo ahaa kuwo aad u xooggan ayaa laga maqlay gudaha degmada iyo deegaannada ku dhow, waxaana xigay rasaas culus oo ay is dhaafsanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan halkaasi, iyo xoogaggii weerarka soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa gudaha waxay u galeen qaybo ka mid ah degmada Jannaale, oo ay ka dhaceen iska horimaadyo culus oo socday muddo. ciidamada difaaca degmada ayaa iska caabin xooggan waxaa ay kala hortageen weerarka, inkastoo aan weli si cad loo xaqiijin cidda si buuxda gacanta ugu haysa goobihii lagu dagaallamay.

Weerarka ayaa si gaar ah waxaa loogu bartilmaameedsaday xerada ciidamada Uganda ee ku taalla degmada Jannaale. Ilaa iyo hadda ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya heerka khasaaraha ka dhashay weerarka, iyadoo dhinacyada dagaallamaya midkoodna uusan weli soo saarin war-saxaafadeed rasmi ah.

Xaaladda amni ee degmada ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos-goos ah, halka dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo gurmadyo dheeraad ah laga dareemayo deegaanka. Dadka rayidka ah ee ku nool degmada ayaa wajahaya xaalad cabsi leh, iyadoo wararku sheegayaan in qaar ka mid ah shacabka ay guryahooda ku nagaadeen sababo la xiriira dagaalka socda.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe