Friday, June 26, 2026
HomeWararGudahaMadaxweyne Cirro: Israa'iil iyo Denmark oo Keliya Ayaa Ka Jawaabay Codsigii Aqoonsiga...

Madaxweyne Cirro: Israa’iil iyo Denmark oo Keliya Ayaa Ka Jawaabay Codsigii Aqoonsiga Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Israa’iil iyo Denmark ay ahaayeen labada dal ee keliya ee ka jawaabay waraaqihii ay Somaliland u dirtay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee la xidhiidhay codsiga aqoonsiga.

Madaxweynaha oo xalay ka hadlay munaasabadda xuska 26-ka Juun ayaa sheegay in Israa’iil ay ku wargelisay Somaliland inay aqoonsanayso, halka Denmark ay ammaantay horumarka iyo waxqabadka Somaliland balse ay sheegtay inaanay aqoonsi siin karin xilligan.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in booqashadiisii Israa’iil ay xaqiijisay, sida uu hadalka u dhigay, in aqoonsigaasi yahay mid dhab ah, isagoo xusay in lagu soo dhaweeyay maamuus qaran oo heer sare ah, isla markaana labada dhinac ay kala saxeexdeen heshiis iskaashi oo hordhac ah.

Waxa uu sheegay in heshiiskaasi uu khuseeyo dhinacyada amniga, beeraha, biyaha iyo caafimaadka, isaga oo intaa ku daray in iskaashiga dhinaca biyaha uu hore u bilaabmay, iyadoo 25 injineer oo Somaliland ah ay hore u tageen Israa’iil, halka 25 kalena ay hadda ku sugan yihiin dalkaas.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in in ka badan 1,000 shirkadood oo Israa’iili ah ay codsadeen inay la kulmaan weftiga Somaliland, hase yeeshee Wasiirka Maalgashiga Israa’iil uu kulamada ku koobay 100 shirkadood oo keliya, taasi oo uu sheegay in ay muujinayso rabitaanka ganacsatada Israa’iil u hayaan maalgashiga Somaliland.

Waxa uu intaa ku daray in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland uu dhawaan booqan doono Israa’iil kadib martiqaad uu ka helay Guddoomiyaha Baarlamaanka Israa’iil.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe