Wednesday, June 24, 2026
HomeWararGudahaLiibiya oo soo rogtay xayiraado cusub oo Soomaalida saamenaya

Liibiya oo soo rogtay xayiraado cusub oo Soomaalida saamenaya

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Liibiya ayaa soo saaray go’aan cusub oo lagu adkeynayo xeerarka gelitaanka muwaadiniinta ka soo jeeda Sudan, Eritrea, Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo tallaabadan lagu sheegay mid looga gol leeyahay xakameynta qulqulka muhaajiriinta iyo la dagaallanka socdaalka sharci darrada ah.

Go’aanka ayaa dhigaya in laga joojiyo gelitaanka muwaadiniinta afartaas dal iyada oo loo marayo dhammaan marinada xuduudaha, marka laga reebo dadka haysta oggolaansho shaqo oo ansax ah kana shaqeeya waaxyaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Liibiya ayaa lagu amray inay qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu masaafurinayo ajaanibta aan haysan deggenaansho sharci ah, si loo habeeyo xaaladda gudaha loona yareeyo caqabadaha amni ee la xiriira socdaalka aan sharciga ahayn.

Dowladda Liibiya ayaa sheegtay in go’aankan uu ku soo beegmayo xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan socdaalka sharci darrada ah iyo qulqulka dadka ka imanaya dalalka Geeska Afrika, iyadoo Liibiya ay weli tahay marin muhiim ah oo ay muhaajiriin badani uga sii gudbaan dhinaca Yurub.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale tilmaamay inay doonayaan in la xoojiyo ilaalinta xuduudaha, lana habeeyo xaaladda shaqaalaha ajaanibta ah si loo ilaaliyo amniga qaranka iyo xasilloonida dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe