Monday, June 22, 2026
HomeWararGudahaDagaal ciidanka DF iyo kuwa Lafta-gareen ku dhex-maray Magaalada Baydhaba

Dagaal ciidanka DF iyo kuwa Lafta-gareen ku dhex-maray Magaalada Baydhaba

Dagaal Culus ayaa ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba, kaas oo u dhexeeyay ciidamo taabacsan Madaxweynihii hor ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo kuwa dowladda ee ku sugan duleedka magaalada Baydhaba .

Ciidamado daacadda u ah Lafta-gareen ayaa si kadis ah waxay u weerareen fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin bannaanka magaalada, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo socday muddo.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayay gudaha magaalada, isla markaana dhinacyadu ay is waydaarsadeen hubka noocyadiisa, taas oo keentay in cabsi ay dareemaan shacabka Baydhaba.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada weerarka qaaday oo horay looga saaray gudaha Baydhaba ayaa muddooyinkan isku uruursanayay deegaannada hoos yimaada magaalada, halkaas oo marar badan ay kasoo duubeen muuqaallo hanjabaad ah oo ku aadanaa doorashadii dhacday Koonfur Galbeed ee uu kusoo baxay Sheekh Aadan Madoobe oo taageero buuxda ay siisay Dowladda Soomaaliya.

Xaaladda saaka ee magaalada ayaa deggan, inkastoo la hadal hayo dagaallada soo noq-noqday ee u dhexeeya labada dhinac.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe