Tuesday, June 16, 2026
HomeWararGudahaGalmudug oo shaki gelisay dhexdhexaadnimada guddiga doorashooyinka

Galmudug oo shaki gelisay dhexdhexaadnimada guddiga doorashooyinka

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, daah-furan isla markaana lagu wada kalsoon yahay, iyadoo walaac ka muujisay doorka guddiga Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

War-saxaafadeed ay soo saartay dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan, uu ka qayb noqday olole la xiriira musharrax la sheegay inuu u taagan yahay xilka madaxtinimada Galmudug.

Maamulka ayaa sheegay inuusan aqbali karin guddi doorasho oo lagu eedeeyo inuu dhinac la safan yahay musharrax ama xisbi gaar ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in hufnaanta iyo kalsoonida geeddi-socodka doorashadu ay ku xirnaan doonto jiritaanka guddi madax-bannaan oo dhexdhexaad ah.

Galmudug waxay sheegtay in dhammaan musharraxiinta iyo axsaabta siyaasadeed ay u baahan yihiin fursad siman oo ay ugu tartamaan doorashada, si looga fogaado eex iyo saamayn siyaasadeed oo wax u dhimi karta natiijada doorashada.

Sidoo kale, maamulka Galmudug ayaa ku baaqay in la xaqiijiyo hannaan doorasho oo caddaalad ah, si natiijada kasoo baxda ay u noqoto mid sharciyad, kalsooni iyo wada-ogolaansho ku dhisan.

Warka kasoo baxay Galmudug ayaa kusoo aadayaa, iyadoo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in xisbiga JSP uu musharaxa madaxweynaha Galmudug u wato Liibaan Axmed Xasan oo ah ganacsade saaxiibka dhow la ah madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe