Saturday, June 13, 2026
HomeWararGudahaXasan Sheekh oo banaanka soo dhigay wada hadal dhexmaray Soomaaliya iyo Israel

Xasan Sheekh oo banaanka soo dhigay wada hadal dhexmaray Soomaaliya iyo Israel

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland mid aan u dhigmin aqoonsi caalami ah oo dhab ah, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay tahay “dabin siyaasadeed” oo Somaliland lagu marin habaabinayo.
Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil uusan wax isbeddel ah ku keenayn mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed.

Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imanaya kadib markii Israa’iil ay 26-kii December 2025 noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, arrintaas oo dhalisay falcelin xooggan oo ka timid Soomaaliya, dalal badan oo Carbeed iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kuwaas oo ku tilmaamay tallaabadaasi mid khatar ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in inkastoo Somaliland ay muddo ka badan soddon sano raadineysay aqoonsi caalami ah, haddana beesha caalamka inteeda badan ay weli u aqoonsan tahay qayb ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Somaliland soddon iyo dhowr sano ayay raadineysay ictiraaf, haddana ma helayso. Waxa dhacayna ictiraaf dhab ah ma aha ee waa dabin,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weligeed mudnaanta siisay wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed, halkii laga adeegsan lahaa awood ciidan ama tallaabooyin sii fogeyn kara labada dhinac.

Waxa uu xusay in muddo dheer la isku dayayay in xal waara lagu gaaro arrinta Somaliland, isla markaana dowladda Federaalka ay weli aaminsan tahay in wadahadalka Soomaaliyeed uu yahay waddada ugu habboon ee lagu ilaalin karo midnimada dalka.

Dhanka kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in Israa’iil ay marar kala duwan xiriir la soo sameysay Dowladda Soomaaliya, iyadoo dalbatay in labada dhinac ay yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

“Israa’iil dhowr jeer ayay nala soo xiriirtay, waxayna rabtay inaan xiriir rasmi ah yeelanno, balse waxaan u sheegnay in xilligaas aysan arrintaasi ku habboonayn Soomaaliya,” ayuu yiri.

waxaa uu sheegay in mowqifka Soomaaliya uu ku dhisan yahay qiyamka bani’aadannimada, difaaca xuquuqda aadanaha iyo taageerada shacabka Falastiin.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Soomaaliya aysan doonayn in lagu dhex daro loollanno siyaasadeed iyo dano istaraatiiji ah oo ka socda gobolka, xilli Geeska Afrika iyo Badda Cas ay noqdeen goob ay ku loollamayaan quwado kala duwan.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in tallaabada Israa’iil ay yeelan karto saameyn siyaasadeed iyo mid amni oo gaarta Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, isagoo ku adkeystay in arrinta Somaliland lagu xallin karo oo keliya wadahadal Soomaaliyeed iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe