Murashax da’yar oo u taagnaa doorashada Golaha Deegaanka degmada Afgooye, Suleyban Axmed Guudle, ayaa xalay lagu dilay weerar hubeysan oo ka dhacay degmada Afgooye.
Rag hubeysan ayaa rasaas waxay ku fureen Suleyban xilli uu ku sugnaa gudaha degmada Afgooye, ka hor inta aysan dableydii ka baxsan goobta. Marxuumka ayaa ku jiray diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ka qeybgalka doorashada Golaha Deegaanka oo la filayo inay dhawaan ka qabsoonto degmada Afgooye.
Suleyban Axmed Guudle ayaa ahaa siyaasi dhalinyaro ah oo hore uga tirsanaa Golaha Deegaanka Afgooye, waxaana lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa arrimaha bulshada iyo ka qeybqaadashadiisa horumarinta degmada, isagoo ka mid ahaa wajiyada cusub ee siyaasadda deegaanka.
Ilaa iyo hadda, laamaha ammaanka ayaan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan weerarka iyo cidda ka dambeysay. Sidoo kale, ma jirto koox ama dhinac sheegtay mas’uuliyadda falkaasi.
Dilkan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni ee degmada Afgooye, gaar ahaan xilli la isku diyaarinayo doorashooyinka Golaha Deegaanka. Dadka deegaanka ayaa muujiyay cabsi ku saabsan amniga musharraxiinta iyo shaqsiyaadka ku lugta leh geeddi-socodka siyaasadeed.
Mas’uuliyiinta deegaanka iyo shacabka ayaa ku baaqaya in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadan, isla markaana cadaaladda la horkeeno cid kasta oo ku lug leh dilka Suleyban Axmed Guudle.

