Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa soo saartay digniin caafimaad oo la xiriirta cudurka Ebola, kadib markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay sheegtay faafitaan iyo koror laga dareemay dalalka Congo (DRC) iyo Uganda.
War-saxaafadeed wasaaraddu soo saartay waxay bulshada ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana la qaato tallaabooyin ka hortag ah si looga baaqsado halista cudurkaasi.
Wasaaraddu waxay sheegtay in ilaa hadda aan la diiwaangelin wax kiis ah oo Ebola ah gudaha Puntland ama guud ahaan Soomaaliya, balse ay muhiim tahay in bulshada ay taxaddar muujiyaan maadaama cudurku si fudud ugu gudbi karo dadka.
Calaamadaha cudurka Ebola ayaa waxaa kamid ah qandho daran, madax xanuun, daal iyo murqo xanuun, matag iyo shuban, iyo dhiig-bax ka yimaada qaybaha kala duwan ee jirka.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shacabka ku boorrisay inay ilaaliyaan nadaafadda gacmaha, ka fogaadaan dadka qaba calaamadaha cudurka, islamarkaana si degdeg ah ula xiriiraan xarumaha caafimaadka haddii la arko kiis looga shakiyo Ebola.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda cudurka iyadoo kaashanaysa WHO iyo hay’adaha kale ee caafimaadka.
Cudurka Ebola waa xanuun halis ah oo fayras ah, kaas oo si degdeg ah ugu faafi kara dadka isla markaana sababi kara dhimasho haddii aan si dhaqso leh loo daweyn ama loo xakameyn.
WHO iyo hay’adaha caafimaadka ayaa hadda si gaar ah ula socda xaaladaha cusub ee Uganda iyo Congo si looga hortago faafitaan cusub oo gobolka ah.


