Tuesday, May 19, 2026
HomeWararGudahaXildhibaan katirsanaa Baarlamaanka DG Puntland oo Mindi lagu dilay

Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka DG Puntland oo Mindi lagu dilay

Yuusuf Bootaan oo horay usoo noqday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa lagu dilay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana dilay Wiilkiisa oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf.

Dilka Marxuum Yuusuf Bootaan waxa uu wiilkiisa u adeegsaday Mindi, waxaana la sheegay in uu dhimirka la’aa sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan qoyska, waxaana lagu wadaa in lagu aaso magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Guriga uu dilka ka dhacay oo ku yaalla Xaafadda Al-Aqsa waxaa buux-dhaafiyay ehelka, asaxaabta iyo dadka deegaanka kuwaas oo ka naxay dhacdadaan, waxaana sidoo kale goobta tagay ciidamo katirsan kuwa ammaanka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe