Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu galay marxalad siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo halis ah, kaddib dhammaadka muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Federaalka.
Warsaxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in xaaladda taagan lagu xallin karo oo keliya wadatashi qaran oo ay ka qeyb galaan hoggaanka siyaasadda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si looga arrinsado badbaadinta dalka iyo maareynta marxaladda hubanti la’aanta siyaasadeed.
Farmaajo wuxuu xusay in sida uu dhigayo qodobka 103-aad ee Dastuurka KMG ah, xukuumadda hadda jirta ay noqotay xukuumad xil-gaarsiin ah oo aan awood u lahayn inay qaadato go’aanno masiiri ah oo saameyn ku leh mustaqbalka dalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la gaaro heshiis siyaasadeed oo la isla ogol yahay, kaas oo horseeda doorasho sharciyad qaran leh.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ugu baaqay Ciidamada Qalabka Sida inay ka fogaadaan ku milanka arrimaha siyaasadda ama in loo adeegsado cabburinta shacabka iyo muddo kororsi, isaga oo ku boorriyey inay xoogga saaraan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ilaalinta amniga, difaaca dalka iyo dhowrista midnimada qaranka.
Ugu dambeyntii, Farmaajo wuxuu ku baaqay isu tanaasul siyaasadeed iyo in danta qaranka laga hormariyo danaha shakhsiga iyo kuwa kooxaha gaarka ah, si loo ilaaliyo dowladnimada Soomaaliya.


