Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambayn aqbalay in dibadbaxooda uu ka dhaco Garoonka Cayaaraha ee Injineer Yariisow (Koonis Stadium) ee Magaalada Muqdisho halkaas oo horay ugu iclaamisay Dowladdu balse ay diideen.
Madaxweynihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd, Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ugu dambayn ay go’aansadeen in dibadbaxooda uu ka dhaco Garoonkaas isla markaana saacado lagu daray waqtigii ay horay u iclaamiyeen.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in loo baahday midaynta isusoobaxooda sidaas awgeed kulan iyo wadatashi kaddib ay garteen in 11:00 AM ee waqtiga geeska Afrika ay isugu tagaan Garoonkaas kuna dibadbaxaan sida uu hadalka u dhigay.
“Anaga oo fiirinayso waxyaabo badan waxa aan go’aansanay in mudaharaadka uu ka dhaco hal meel waana Koonis, waxaana rabnaa in la isugu tago 11:00 AM waana in ay is diyaariyaan Dadka kana soo qaybgalaan” ayuu yiri MW hore, Shariif Sheekh Axmed.

