Garoonka diyaaradaha ee Amiir Maxamed Bin Cabdulcasiis ee magaalada Madiina ayaa Khamiistii si rasmi ah u bilaabay qaabilaadda duullimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda sanadkan, kuwaas oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Aljeeriya, Marooko iyo Filibiin.
Maamulka socdaalka Sacuudiga ayaa sheegay in si habsami leh loo dhammeystiray habraacyadii gelitaanka xujeyda, iyadoo aan wax dib u dhac ama caqabado ah la soo sheegin.
Hay’adaha qaabilsan adeegyada Xajka ayaa sidoo kale xaqiijiyay inay si buuxda ugu diyaar garoobeen xilligaan munaasabadda Xajka ee sanadkan, iyagoo adeegsanaya tiknoolajiyad casri ah iyo shaqaale ku hadla luqado kala duwan, kuwaas oo laga howlgeliyay dhammaan garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xuduudaha dalka.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanad kasta maamusha mid ka mid ah howlaha ugu waaweyn ee dhanka abaabulka iyo qaabilaadda dadka, iyadoo malaayiin muslimiin ah ay u safraan si ay u gutaan waajibaadka Xajka.
Sanadkii hore waxaa Xajka gutay in ka badan 1.6 milyan oo qof, halka sanadkan la filayo in tiradu gaarto ku dhawaad 1.9 milyan oo xujey ah.
Shalay Magaalada Muqdisho waxaa laga ambabixiyey Xujeeydii ugu horeeysay ee Soomaali ah oo ka kala ambaxday magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho oo tiradoodi 400 kor ay u dhaafeyso kuwaas oo si nabad ah ku gaaray dalka Sacuudiga, maalmaha yar ee naga xiga Bisha Carafo ayaa lafilayaa in inta ugu badan ee ay Wasaaradda qorsheeysay ay ka baxaan guud ahaan gobolada dalka.
Xajka sanadkan ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u billowdo dabayaaqada bisha May, iyadoo taariikhda saxda ah lagu go’aamin doono aragtida bisha.

