Friday, May 1, 2026
HomeWararGudahaEU: Dagaalka Iran oo kordhiyay khatarta burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya

EU: Dagaalka Iran oo kordhiyay khatarta burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya

Taliska Hawlgalka Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in dagaalka ka socda Iran  uu qeyb ka yahay kororka cusub ee burcad-badeednimada ka bilaabatay xeebaha Soomaaliya, taasoo walaac weyn ku abuurtay amniga marin-biyoodka caalamiga ah ee ugu mashquulka badan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in toddobaadkii la soo dhaafay la xaqiijiyay ugu yaraan saddex weerar oo burcad-badeed ah, kuwaas oo lagu qabsaday laba markab oo xamuul ah iyo hal markab shidaal.

Xogta ay soo saartay Hay’adda UK Maritime Trade Operations ayaa muujisay in weerarradan ay ka dhaceen agagaarka Eyl, Mareero iyo Garacad oo ka tirsan maamulka Puntland ee Soomaaliya.

Deegaankaas ayaa horay loogu yaqaanay xarun weyn oo burcad-badeednimada Soomaaliya ahayd dabayaaqadii 2000-meeyadii.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sheegay in kororka cusub uu la xiriiro xaaladaha cakiran ee gobolka, oo markii hore ka dhashay weerarrada Xuutiyiinta Yemen, haddana ay sii xoojisay xiisadda ka taagan marin-biyoodka Hormuz.

Howlgalka Midowgw Yurub ee Xeebaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in sababaha kale ee xaaladdan ka qayb qaadanaya ay ka mid tahay maqnaanshaha ciidamo badeed oo xooggan oo Soomaaliya leedahay.

“Xaaladdan waxay muujinaysaa in diiradda milatari ay ka leexatay aaggaas, taasoo burcad-badeedda siinaysa fursad ay ku dhaqaaqaan,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay howlgalka EU-da.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in kalluumaysiga sharci-darrada ah uu ka mid yahay arrimaha sii hurinaya khatarta sii kordheysa.

Hay’adda Caalamiga ah ee Ganacsiga Badda ayaa horey u sheegtay in “awoodda iyo rabitaanka kooxaha burcad-badeedda Soomaaliyeed ay weli jiraan,” taasoo khatar ku ah marin-biyoodka caalamiga ah.

Inkasta oo ay jirto kororka weerarrada, Midowga Yurub ayaa sheegay in burcad-badeednimada hadda “la xakameynayo halkii laga ciribtiri lahaa,” isagoo intaas ku daray in xaaladdu aysan la mid ahayn tii sanadihii2010-kii.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe