Wednesday, April 29, 2026
HomeWararGudahaHirshabelle oo bilaawday handadaad ay u geeysaneyso Maamulayaasha iskuulada ku yaala Degaanadeeda

Hirshabelle oo bilaawday handadaad ay u geeysaneyso Maamulayaasha iskuulada ku yaala Degaanadeeda

Hirshabelle ayaa bilaawday handadaad iyo caga jugleyn ay ugeeysaneyso Maamulayaasha iskuulada ku yaala Magalloyinka Jowhar baladweyne Balcad buulaburde Mahadaay Jalalaqsi Warsheekh iyo Cadale.

Maamulayaasha ayaa lagu qasbay in ay Ardayda iskuuladooda dhigata ay ka diiwan galiyan linki lasheegay in loogu codeeynayo doorashada la filayo in ay Hirshabelle ka dhacdo .

Sida aad qoraalka hoose ku araktid Siciid Camaloow Waa Wasiirka Waxbarashada Hirshabelle Waxa uu handadaya mid ka mid ah Maamulayaasha iskuulada ku yaala Hirshabelle si Ardayda loogu qasbo in linkiga buuxiyan oo ay galiyaan magacooda iyo telefoon nambarkooda si qasab ah .

Wasiir Camaloow ayaa dhahay 300 oo qof ayaan karaba maamule halka maamuluhu uu ku jawaabayo Wasiir ardayda aan haayay kuli waxaan buuxinay linkiga Madaxweyne guudlaawe lkn Wasiirka ayaa markale ku jawaabaya Maamule amar qaado ama shaqadaada ayaad ka dareeme

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle Saciid Hagar Camalow, ayaa sidoo kale shaqadii ka joojiyay Guddoomiyihii Waxbarashada Degmada Beledweyne, Mudane Mustaf Cusmaan Maxamuud ka dib markii uu ka soo horjeestay Amarka ah Maamulayaasha ayaa lagu qasbaya in ay ardayda iskuuladooda dhigata ay ka diiwan galiyan linki lasheegay in loogu codeeynayo doorashada la filayo in ay Hirshabelle ka dhacdo .

Waxay noqon kartaa sawirka qoraal

Dadka ku noo Degaanada Hirshabelle ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo qaarkood aysan wax ka qaban madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabelle.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe