Waxaa bannaanka usoo baxay warar sheegaya in Maraykanka uu doonayo in uu ka baxo Isbahaysiga NATO kaddib markii uu dhowr jeer dhaleeceeyay kuna dhaliilay in ay ku daawadeen duullaankii uu ku qaaday Iiraan 28kii Febaraayo 2026.
NATO oo dhowr jeer uu Donald Trump ku tilmaamay in aysan kahor istaagi Karin Jasiiradda Greenland iyo in Washington ay ka awood badan tahay isbahaysigaas ayaa ku hungoobay in uu garab ka helo markii doonayay in uu go’doomiyo Iiraan.
Dalalka Yurub ee Xubnaha ka ah Isbahaysigaan ayaa billaabay kulamo ay uga arrinsanayaan in ay sii jiri karaan xitaa haddii uu Maraykanka ka baxo, waxaa kale oo ay ka tashanayaan sidii ay awood ugu wajihi lahaayeen Hoggaamiyaan doonaya in uu kala furfuro.
Waddamada Yurub ayaa Muwaadiniintooda ku qasbaya in ay tababar ciidan qaataan si haddii loogu baaho ay ugu dagaal galaan, waa arrin kale oo lagu ballaarinayo awoodda ciidanka ee muhiimaddda gaarka ah la saarayo.

