Maamulka Maraykanka ee uu hoggaamiyo Donald Trump ayaa si lama filaan ah uga noqday fiisooyinkii mas’uuliyiinta katirsan dowladda Soomaaliya.
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa u sheegtay mas’uuliyiinta Soomaaliya in si degdeg ah looga mamnuucay gelitaanka Maraykanka, go’aan ka soo baxay xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad siyaasadeed oo aan la hubin ka hor doorashada aan la iftiimin ee May 15.
Fiisooyinka ay saamaysay waxaa ka mid ah A2 oo loogu talagalay mas’uuliyiinta dowladda ajnabiga ah ama shaqaalaha u socda Maraykanka howlo rasmi ah, B1 fiisooyinka ganacsiga, B2 fiisooyinka dalxiiska ama booqashada iyo G2 oo loogu talagalay shaqaalaha rayidka ah ee si ku meel gaar ah u socda Maraykanka si ay uga qeybgalaan shirarka hay’adaha caalamiga ah ee la cayimay. Mas’uuliyiinta sare ee dowladda ee uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Adan Maxamed Nur Madobe iyo kuwa ka howl gala Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, ayaa si rasmi ah loo wargeliyay, taasoo khatar geliya safaradooda loo qorsheeyay ee Maraykanka.
Tallaabadan waxa ay halis gelinaysaa in la carqaladeeyo qorshayaasha safarka ee mas’uuliyiinta muhiimka ah, oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe, kuwaas oo loo qorsheeyay inay ka qaybqaataan Shirarka Guud ee Bangiga Adduunka ee Washington laga bilaabo Abriil 13 ilaa 18.
Tallaabadan aan horay loo arag oo ah tii ugu horreysay ku dhowaad sannado, waxay muujinaysaa niyad-jab weyn oo ka dhex jira dowladda Mareykanka oo ku saabsan maamulidda iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya. Walwalka ku saabsan kalsoonida, hufnaanta, iyo hanaan socod oo joogto ah ayaa la sheegay inuu marayo heerkii ugu sarreeyay abid.
Walwalka caalamiga ah ee noocan oo kale ah waxa uu ka bixi karaa xuduudaha Mareykanka, isaga oo dhalinaya su’aalo ku saabsan kalsoonida caalamiga ah ee hogaanka Soomaaliya maadaama awoodda Madaxweynaha la sheegay inay dhamaadkeedu ku dhowdahay wax ka yar 50 maalmood.
Tallaabadan Mareykanka waxay si xun u dhaawici kartaa helitaanka Soomaaliya ee taageerada dhaqaale ee caalamiga ah, iskaashiga milateri, iyo xiriirka diblomaasiyadeed, iyada oo ay jiraan cawaaqib muddo-dheer ah oo ku saabsan xasilloonida iyo kobaca dhaqaalaha.
Soomaaliya ayaa si weyn waxay ugu tiirsan tahay iskaashiga ajnabiga, wax kasta oo khalkhal gelinaya kalsoonida wakhtigan muhiimka ah waxay khatar ku yihiin xasilloonida dowladda waxayna shaki gelinayaan mustaqbalka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka.

