Ciidamada Dowladda ayaa goor dhow ku xiray agagaarka saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho wariye Cabdi Xaafid, oo ka tirsan TV-ga Somali Cable, isla markaana lagu yaqaan inuu ka mid yahay saxafiyiinta firfircoon ee ka howlgala magaalada.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in wariyaha la qabtay xilli uu ku sugnaa Nawaaxiga saldhigga Waaberi, inkastoo aan weli si cad loo shaacin sababta rasmiga ah ee loo xiray.
Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa marar badan kicinaya dood ku saabsan xorriyadda saxaafadda iyo xorriyatul qowlka, kuwaas oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dammaanad qaadayo Dastuurka Soomaaliya. Dastuurku wuxuu oggolaanayaa in saxaafaddu si xor ah u shaqeyso, isla markaana muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin inay helaan oo faafiyaan macluumaad.
Ma aha markii ugu horreysay ee la xiro wariye Cabdi Xaafid, waxaana horey u jiray dhacdooyin la mid ah oo la xiriira howshiisa warbaahineed.
Ururrada u dooda xuquuqda saxafiyiinta ayaa si joogto ah ugu baaqa hay’adaha dowladda inay dhowraan xorriyadda saxaafadda, si wariyeyaashu ay ugu shaqeeyaan si madax-bannaan oo aan cabsi lahayn.

