Tuesday, September 1, 2026
HomeWararGudahaCiidamada DFS ee ka baxay Buur Hakaba oo kusii dhawaanaya Baydhabo

Ciidamada DFS ee ka baxay Buur Hakaba oo kusii dhawaanaya Baydhabo

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka ruqaansaday Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay ayaa kusii dhawaanaya Magaalada Baydhabo oo ah xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Ciidanka Federaalka waxa uu ujeedkoodu yahay sidii ay u gali lahaayeen Magaalada Baydhabo inkasta oo Magaaladaas ay ku sugan yihiin Ciidamo daacad u ah Cabdicasiis Laftagareen oo shalay Doorasho ay diiday Dowladda ku qabsaday Xarunta Gobolka Baay.

Saansaan cabsi dagaal muujinaysa ayaa ka taagan duleedka Magaalada Baydhabo maadaama ay isku dhawaanayaan ciidamo iska soo horjeeda oo siyaasad ahaan laba dhinac kala ah kuwaas oo mid weliba uu doonayo in uu gaaro guusha danaha uu u socdo.

Gudaha Magaalada Baydhabo waxa ay dadka dhegaha u taagayaan dhaqdhaqaaqa ka socda duleedka Magaaladaas mar hadii Ciidanka Federaalka iyo kuwa Mucaaradka ah ee diidan doorashadii uu qabsaday Laftagareen kusoo dhawaadeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe