Xarunta uu si kumeel-gaar ah ugu shiro Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa maanta la geeyay ciidamo dheeraad ah kana tirsan Booliiska si loo xakameeyo Xildhibaannada diidan hab maamulka Guddoonkooda uu ku meelmarinayo ajandaha miiska yaalla.
Inkasta oo Warbaahinta maanta laga joojiyay si aysan u tebin muuqaallada Isugu jira Dareenka Xildhibaannada ee kulanka, is hor istaaggooda furmashada iyo dhammaan dhacdooyinka ka jira Aqalka Baarlamaanka waxaana jira Muuqaallo ay duubeen Xildhibaannada qaar.
Xildhibaannada laga ganaaxay kulanka maanta ayaa qudhooda sheegay in ay tagayaan xarunta si ay dooddooda uga dhiibtaan ajandaha yaalla ee la xiriira cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka inkasta oo aan la ogayn sida ay ku gaari karaan maadaama ay ganaaxan yihiin.
Ciidamada Booliiska ee xarunta Golaha Shacabka gudaha ugu jira ayaa isku hareereeyay goob-fadhiga Guddoonka iyo habdhowrka Baarlamaanka, ujeedka waa in ay kala dhex galaan oo si feejigan u ilaaliyaan Guddoonka.
Mid kamid ah Muuqaallada ay duubeen Xildhibaannada waxaa laga dhexmaqlay qaar kamid ah Xildhibaannada oo sheegaya in la dhaawacay Xildhibaan Cadar Xareed iyaga oo ku eedeeyay dhaawacaas Ciidamada Booliiska sida ay hadalka u dhigeen.

