Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, ayaa magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo Itoobiya u yimid ka qeybgalka munaasabadda furitaanka mashaariic horumarineed.
Labada madaxweyne ayaa si diirran oo maamuus leh loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee Jigjiga, iyadoo ay wehliyeen masuuliyiin sare iyo wufuud heer sare ah. Madaxda maanta iskugu timid magaalada Jigjiga ayaa ka qaybgalaya goobo dalxiis oo dhisay deegaanka Shabeelle ee Deegaanka Soomaalida.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in mashaariicda la furayo ay qeyb ka yihiin qorshayaal ballaadhan oo lagu horumarinayo ganacsiga, isku xidhka gaadiidka, iyo is-dhexgalka gobolka, iyadoo Geeska Afrika loo arko mid istiraatiiji ah balse muddo dheer ay saameeyeen colaado iyo xasillooni darro.
Raysal Wasaare Abiye oo qoraal ku baahiyay baraha bulshada ayaa yidhi: Soo dhawaada walaalahaygii Afrikaanka ahaayow.
Abiye Axmed ayaa inta badan madaxda waddamada jaarka siiba Somaaliya iyo Itoobiya ku martiqaada furitaanka mashaariicda horumarineed, isaga oo hore ugu martiqaaday biyo-xidheenkii wayna GERD ee xadhiga laga jaray sannadkii hore.
Inkasta oo uu soo wanaagsanaanayo xidhiidhka u dhexeeya madaxda Soomaaiya iyo Itoobiya kadib is-afgaradkii aan la fulin ee Itoobiya iyo Somaliland, hadana Itoobiya waxay sheegtay in ay walaac ka qabto xidhiidhka sii xoogaysanaya ee Masar iyo Soomaaliya.
Sidoo kale, Jabuuti ayaa heshiis iskaashi oo la xidhiidha dekedaha oo aan Addis Ababa laga soo dhawayn la gashay Masar.

