Thursday, November 20, 2025
HomeWararGudahaDowladda Fedaraalka oo maanta dalka dib ugu soo celisay 165 ruux

Dowladda Fedaraalka oo maanta dalka dib ugu soo celisay 165 ruux

Waxaa maanta dalka dib loogu soo celiyay ilaa 165 ruux oo ah muwaadiniin Soomaali ah oo mudo ku xanibnaa dalka Liibiya oo ay ku wajahayeen xaalado adag oo dhanka nolosha ah.

Dib u soo celinta dadkaan oo isugu jiray rag, iyo dumar oo ay ku jiraan 27 caruur ah oo aan qaan gaarin, halka 13 ka mid ah dadkan kusoo dageen garoonka Hargeysa, waxaana iska kaashaday dib u soo celintooda dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Yurub iyo Hay’adda IOM.

Masuuliyiin ka tirsan fedaraalka oo dadkan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa warbaahinta u sheegay in dadaal badan iyo wada shaqeyn xoogan lagu bixiyay badbaadinta iyo dib ugu soo celinta dalkooda dadkan Soomaaliyeed.

Dadkan ayaa la tilmaamay in intooda badan dhibaato iyo rafaad badan ku wajaheen xabsiyada iyo xarumaha lagu hayo muhaajiriinta ay Soomaalida ka mid tahay ee ku yaala dalka Liibiya.

Qaar ka mid ah dhalinyarrada dalka dib loogu soo celiyay maanta oo warnaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Caalamiga ah ee iska kaashaday in dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adaha Caalamiga ayaa rasmi ah dalka dib ugu soo celiyay sanadkan 2025 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 500 qof oo ruux, kuwaas oo u badan dhalinyaro ku dhibtootay safarada tahriibka iyo xarumaha lagu hayo muhaajiriinta ee ku yaala Liibiya

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe