Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa soo bandhigtay miisaaniyadda sanadka 2026, taas oo muujinaysa hoos-u-dhac ku yimid mashaariicda caalamiga ah iyo qorshaha maalgelinta guud ee dowladda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Axmed Jaamac Jowle, ayaa sheegay in sanadkan kororka ugu weyn uu ka yimid dakhliga gudaha oo kordhay 16%. Si kastaba ha ahaatee, xogta miisaaniyadda ayaa muujinaysa in mashaariicda caalamiga ah ay hoos u dhacayaan 32% marka loo barbardhigo sanadkii hore.
Miisaaniyadda Puntland ee 2026 ayaa lagu qiyaasay $315,783,344, taas oo ka hooseysa miisaaniyaddii 2025 oo ahayd $466,840,762. Hoos-u-dhaca miisaaniyadda guud wuxuu gaarayaa qiyaastii 32.3%.
Sida ku cad qorshaha 2026, 57% ayay hoos u dhacayaan mashaariicda caalamiga ah, marka la barbar dhigo qoondada 2025. Isbeddelkan ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho adeegyada bulshada oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, maaddaama mashaariicda taageerada caalamiga ahi door muhiim ah ka ciyaaraan maalgelinta adeegyadaas.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa u sababaysay hoos u dhaca mashaariicda caalamiga ah hoos u dhac guud oo ku yimid deeqihii caalamka laga heli jiray, taasoo sababtay in hay’ado badan ay joojiyaan ama yareeyaan mashaariicdii ay ka wadeen gudaha Puntland.

